Costa, Silva iyo Matta oo xulka Spain Lagu soo Daray Iyo Negredo & Navas Oo Laga Tagay

Xidigaha Jesus Navas , Alvaro Negredo iyo weeraryahanka kooxda Juventus ee Fernando Llorente ayaa ka maqan xulka qaranka wadanka Spain oo uu  tababare Vicente del Bosque ugu dambeyn soo saaray liiska 23 ka ciyaaryahan ka kooban oo Spain uga qayb gallaya koobka aduunka, kaas oo ay ku jiraan, ciyaaryahanka dhaawaca looga baqo qabay inuu kaga hadho ee Diego Costa iyo laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester United, Juan Matta.

Spain ayaa la ciyaari doonta Netherlands, Chile iyo Australia iyadoo difaacanaysa koob aduunkii ugu dambeeyey ee lagu qabtay Koonfur Afrika oo ay sanadkaas qaadatay.

Liiska kama dambeysta ah ee Xulka Spaina waxa uu noqonayaa Sidan:-

 

Goolwadeyaal: Iker Casillas, Pepe Reina, David de Gea

Difaacyahano: Sergio Ramos, Gerard Pique, Raul Albiol, Javi Martinez, Jordi Alba, Cesar Azpilicueta, Juanfran Torres

Khadka dhexe: Koke, Xavi, Xabi Alonso, Andres Iniesta, Sergio Busquets, Cesc Fabregas, Santi Cazorla, Pedro Rodriguez, Juan Mata, David Silva

Weeraryahano: Fernando Torres, David Villa, Diego Costa

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

David Villa oo Tijaabaddii Caafimaad Maraya Ka Hor Intaanu Ku Biirin New York City FC

Falastiin Oo Taariikhda Markii Koowaad U Soo Baxday Tartanka Koobka Qaarada Aasiya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com