11:38 pm - Thursday July 27, 2017

Coutinho Iyo Firmino Oo Mar Ka Wada Dhaqaajinaya Liverpool

Abdiwahab Ahmed

coutinho-firmino

Liverpool ayaa waayi doonta adeegga firfircoon iyo khibradda xiddigaheeda Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino oo u dhashay waddank Brazil, kuwaas oo aan kooxdooda meteli doonin ciyaarta muhiimka ah ee Southampton.

Labadan ciyaartoy ayaa looga yeedhay xulka qarankooda Brazil oo ay ku meteli doonaan ciyaaraha is-reeb-reebka Koobka Adduunka ee Argentina iyo Peru.

Liverpool oo garoonkeeda ku martigelin doonta Southampton 19 November, ayaa ay COutinho iyo Firmino ka duuli doonaan, iyagoo xulka qarankooda u ciyaari doona kulanka ka dhici doona Belo Horizonte  ee waddanka Argentina 10-ka November, waxaana ay mar kale usii duuli doonaan waddanka Peru oo ay ku wada ciyaari doonaan Lima 15-ka November.

Liverpool ayaa ay arrinntani ku khasabtay in ay ka shaqayso in si nidaamsan oo nabad-qab ah ay ciyaartoygeedani u safraan, isla marka ay ciyaaruhu dhamaadaanna ay diyaarad degdeg ahi usoo qaaddo Ingiriiska. Laakiin, xattaa haddii ay diyaaraddu geyso wakhti ku habboon, daalka iyo wakhtiga dheer ee ay duulimaadka ku jirayaan ayaan suurtogal ka dhigi doonin in ay u ciyaaraan.

Ugu yaraan 6,000 mile ayaa ay diyaaradda u saarnaanayaan, laakiin tababaraha ayaa go’aan ka gaadhi doona in uu ciyaarsiiyo, inkasta oo loo badinayo in aanu u ciyaari doonin.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Terry Oo U Soo Kacay Chelsea Kana Qayb Galaya Kulanka United

Waa Cusub Kubada Cagta Dalka Djibouti

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: