8:58 am - Monday May 29, 2017

Coutinho Oo Muddada Uu Dhaawaca U Jiifayo La Shaaciyey Iyo Kulamada Uu Seegayo

Abdiwahab Ahmed

coutinho

Laacibka habeeya kubadda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa baadhitaan lagu sameeyey dhaawac Kuraanta ka gaadhay, waxa uu muujiyey in uu garoomada ka maqnaan doono illaa badhtamaha bisha January.

Coutinho ayaa garoonka laga saaray qaybta ahore ee ciyaartii Sunderland ee Sabtidii ay Liverpool ku badisay 2-0 garoonka Anfield, waxaana baadhitaano iyo sawirro laga qaaday Isniintii ay muujiyeen in xiddigan reer Brazil aanu ciyaari karin muddo shan illaa lix xtoddbaad ah, taas oo ka dhigan in seegayo kulamada ugu muhiimsan ee kooxdiisa ee bisha December iyo horraanta January.

Liverpool ayaa Everton booqan doonta 19 December, maalinta sannadka cusub na waxay foodda is dari doonaan Manchester City. Sida la hubona Coutinho waa labada ciyaarood ee ugu muhiimsan ee uu seegayo.

Klopp ayaa sidoo kale waayi doona laacibka uu £34 milyan ee Gini ku iibsaday ee Sadio Mane bisha January, wakhtigaas oo uu u baqoolayo xulka qarankiisa Senegal oo ka qayb-geli doona ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika. Sidoo kale, Roberto Firmino oo isagana ay jug gaadhay ciyaartii Sunderland ayaa la sheegay in uu fadhiyayo kulanka ELF Cup, ee Leeds United. Daniel Sturridge ayaa isna seegaya kulanka Leeds, dhaawac muruqa ah awgeed. Laakiin Adam Lallana oo ku dhaawacmay ciyaartii saaxiibtinimo ee xulka qaranka Ingiriisku la yeeshay Spain, ayaa horumar ka samaynaya soo-kabashadiisa, waxaana la weriyey in uu tababarka si gaar ah u qaatay, laakiin kulanka Leeds uu seegayo.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
__mourinho_bottle_kick_reuters

Jose Mourinho Oo Xidhiidhka Ingiriisku Ku Soo Dacweeyey Anshax Xumo

Manchester Oo Ammaankeeda U Baqaysa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com