3:16 pm - Saturday January 20, 7145

Coutinho Oo sheegay In Rajada Kaliya Ee Liverpool ay tahay FA Cup

240 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Coutinho Oo sheegay In Rajada Kaliya Ee Liverpool ay tahay FA Cup

Coutinho

Mishiinka khadka dhexe ee Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa sheegay in rajada kaliya ee ay kooxdiisu haysato ay tahay in ay ku guuleysato koobka loo yaqaano FA Cup, maadaama ay adagtahay rajada ay ka qabto in ay ka mid ahaato afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa caawa ciyaar celis ah la yeelan doonta Blackburn oo ay ciyaar hore oo ka dhacday garoonka Anfiel ku kala baxeen 0-0.

Coutinho ayaa inkasta oo kooxdiisu ay 7 dhibcood ka hoosayso naadiga kaalinta afraad ku jira ee Manchester City waxa uu haddana diiday in uu meesha ka saaro in Liverpool ay ka hadhayso Champions League sannadka dambe, waxaanu u soo jeediyey ciyaartooyadiisa in ay muujiyaan isku-kalsooni iyo aaminaad naftooda ah, iyaga oo ku dedaalaya in ay cadaadis saaraan kooxaha ka soo horjeeda.

“In aanu ku guuleysano FA Cup ayaa badbaadinaysa xili-ciyaareedkayaga. Muhimad weyn ayay noo leedahay in aanu yoolkaas yeelano.” Sidaas ayuu yidhi Coutinho oo u warramayey barta ay kooxdaasi ku leedahay internetka.

Coutinho oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa raaciyey: “Waa in aanu madaxyaga sare u qaadno kadib wixii dhacay kulankii Arsenal oo aanu helno natiijooyinka aanu u baahanahay. Waxa aanu dooneynaa in aanu ka xaadirno Champions League, waana yoolkayaga aasaasiga ah. Toddoba ciyaarood ayaa noo hadhay, markaa waynu eegi doonaa waxa dhaca.”

Laacibkan reer Brazil waxa uu tibaaxay in kooxdiisu lumisay kalsoonida iyo qaabka ay kubadda u waajahayaan kulankii ay Arsenal ku garaacday 4-1 Sabtidii, laakiin wuxuu ku kalsoon yahay in mar kale ay dib isku habayn doonaan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ancelotti Oo Shaaciyey In James Iyo Isco Ay Wada Ciyaari Doonaan Iyo Bale Oo Fadhiyi Doona

Manchester City Oo U Xadhko Xidhatay Henderson, Wilshere & Pogba iyo Nasri Oo Ka Tegaya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com