Craig Bellamy Oo Kubada Cagta Ka Fadhiistay

Weeraryahanka kooxda Cardiff City ee Craig Bellamy ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga fadhiistay ciyaarista kubada cagta.

34 jirkan, kulankiisii ugu horeeyey u saftay naadiga Norwich City 1997 kii , una soo ciyaaray kooxaha Newcastle, Liverpool iyo Manchester City, xulkiisa qaranka Wales na u saftay 78 kulan, ayaa cadeeyey inuu soo afmeeray wakhtiyadii uu kubada cagta ku raaxaysan jiray.

“Maskaxdayda ayay ka dhex guuxaysay inaan ciyaaraha ka fadhiisto sanadihii ugu dambeeyey oo dhan, laakiin wakhtigan hadda la joogo ayuun baan go’aanka gaadhay. Waa inaan u soo dabcaa dhawaaqa jidh-kayga oon dhagaystaa,” ayuu ku yidhi shabakada Wales Online.

“Waxaan qiyaasayaa intii mudo ah inaan dareemayay kacdoonka jugo hore oo igu maqnaa, laakiin saddexdii ama afartii sanno ee ugu dambeeyey waxaan ahaa bir finiin ka hadhay.

“Laakiin ma filayo in jidh-kaygu arintaas u nisbayn karo caqli fiicnaan in lagu sii dhex jiro oo sidaas la sii ahaado, laakiin waa marxalada ii sahashay inaan mudada intaas leeg sii ciyaaro.

“Si kastaba ha ahaatee, wakhtiga ayaa iga hor yimid oo igu yidhi ‘Bes’ kugu filan.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Balotelli Oo Lagu Dhex Aflagaadeeyey Xerada Tababarka Xulka Italy

Rasmi: Willy Sagnol Oo Loo Magacaabay Tababaraha Bordeaux

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com