11:40 pm - Thursday July 27, 2017

Cristiano Ronaldo Oo Bernabeu Kusoo Bandhigay Abaal-marinnada Ballon d’Or Oo Afar Ah

Abdiwahab Ahmed

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa taageereyaasha Real Madrid hortooda kusoo bandhigay abaal-marinnadii uu ku guuleystay oo afar ah, kuwaas oo ay ugu dambaysay tii sannadkan loogu aqoonsaday inuu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa sannadkan dhamaan ciyaaryahannada kubadda cagta dunida.

Garoonka ayaa la soo dhigay intii aanay bilaabmin ciyaartii Granada saddexdii billadood ee hore ee Ronaldo uu sii haystay iyo mid cusub oo toddobaadyo ka hor isagoo ku maqan waddanka Japan lagu abaal-mariyey, waxaana si sharaf leh ugu soo dhaweeyey xiddigihii hore ee Real Madrid ee Raul, Ronaldo Nazario, Figo iyo Zidane oo ay wehelinayaan ruug-caddaayadii hore ee kooxdaas ee Bento iyo xiddigo kale.

Xiddigii hore ee Madrid ee Ricardo Kaka ayaa isaguna shaashadda garoonka ku taalla uga hambalyeeyey Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa afar jeer ku guuleystay xiddiga dunida, waxaana uu hal mar ka hooseeyaa Lionel Messi oo shan jeer loo cumaamaday ninka dunida ugu wanaagsan kubadda cagta.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Manchester United Oo Xasuuqday Reading

Man United Oo Wareega Afraad FA Cup Iska Xaadirisay Iyo Rooney Oo Taariikhda Galay

Rasmi: Isu-duwe Cusub oo loo Magacaabay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Sool

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: