Cristiano Ronaldo Oo Carabaabay Inuu ‘Actor’ Filimada Ah Noqon Doono Kubada Cagta Kadib

Xidiga Aduunka Cristiano Ronaldo ayaa isu diyaarinaya Barashada jilida Kamarada horteeda tooska loogu metelo kadib markii uu shallay Jimcihii daaha ka qaaday sida uu ugu rajo weyn yahay iyo xiisaha uu u qabo inuu noqdo Jillaa marka uu ciyaaraha ka fadhiisto.

Cristiano Ronaldo Oo Tibaaxay Inuu 'Actor' Jillaa noqonayo29 jirkan ayaa dhaawac ka soo noqday kulankii kooxdiisu ku karbaashtay Bayern Munich horyaalka Champions League wareegiisa Semi finel.

Laacibkan oo markiisii labaad ku guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican bishii January ee aynu soo dhaafnay , ayaa ku adkaystay inuu xaga Filimada uga diga roganayo kubada cagta marka uu wakhtigiisa dhamaysto.

Mar la weydiiyey inuu wax ogolaansho ah ka hellay shirkadaha Aflaamta soo saara , Wuxuu ku jawaabay: ‘Albaabku markasta waa furan yahay. “Anigu goor walba waan helli karaa” Siday ii sheegeen.

‘Wakhti xaadirkan kama fikirayo inaan kubada cagta ka fadhiisto, laakiin waa wax mar walba suurto gal ah, maxaa yeelay way imanaysaa kolay oo waa wax i sugaya ka fadhiisigu.’

Cristiano Ronaldo Oo Tibaaxay Inuu 'Actor' Jillaa Noqon DoonoReal ayaa wajahaysa Munich kulanka is araga labaad Khamiista dambe si ay meel uga diyaarsato Finel ka champions League.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rafael Nadal Oo Laga Reebay Tartanka Barcelona Open

Luis Suarez Iyo Martin Skrtel Oo Ku Dhex Dagaalamay Garoonka Tababarka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com