Cristiano Ronaldo Oo Casuumad Sameeyey Heesana Ka Qaaday Wax Yar Kadib Guuldaradii Madrid Derby

Cristiano Ronaldo ayaa heeso live ah ugu tuuray taageerayaal tiro badan oo ka soo qayb gallay xaflad uu u sameeyey 30 guuradii ka soo wareegtay maalinta dhalashadiisa saacado kooban kadib xanuunka iyo mashaqadii Madrid Derby ee kooxdiisu kala kulantay naadiga Atletico Madrid.Cristiano Ronaldo oo hees isla kala jiidaya 1

Dad gaadhaya 150 qof  oo si khaas ah loogu soo marti qaaday ayaa isugu yimid barxada ‘In Zalacain’ venue qaybteeda khaaska u ah dadka maalqabeenada ah , halkaasna caweys fiican , qoob ka ciyaar iyo damaashaad ku qaatay habeen badi shacabkii magaaladu la murugeysan yahay  xasuuqii 4-0 ka ahaa ee Real ay badeen wiilasha tababare Diego Simeone.Cristiano Ronaldo oo hees isla kala jiidaya 2

Xafladan oo qorshuhu ahaa inay qabsoonto badhtamahii todobaadkii tagey, balse diyaar garowga uu ugu jiray ciyaarta Derbiga ah darteed Ronaldo ayaa  go’aamiyey inay haboon tahay inay dhacdo kulanka kadib. Laakiin waxaanu meeshaba soo dhigan oon qorshaha ugu jirin waxaad xafladaysan doontaa wakhti ciyaaryahanadaadii la ildaran yihiin dhacdadii aad adiga laftaadu ku qeexday ‘’Guuldarrada  aan la aqbali karin’.Cristiano Ronaldo oo hees isla kala jiidaya 3 Cristiano Ronaldo oo hees isla kala jiidaya 4 Cristiano Ronaldo oo hees isla kala jiidaya 5 Cristiano Ronaldo oo hees isla kala jiidaya

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester United Oo Dhibic Dirqi Ah Xoogsatay Daqiiqaddii U Dambeysay

Warbaahinta Dunida Oo Aan u Kala Hadhin Dhalliisha Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com