Cristiano Ronaldo oo Goolkii 100 Ee Tartamada Yurub Ku Dhaliyey Real Madrid

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii 100-aad ee tartamada yurub intii uu joogay Real Madrid, tiradaas oo ugu buuxsantay laba gool oo uu Salaasadii ka dhaliyey APOEL.

Real Madrid oo booqatay waddanka Cyprus oo ay kula soo ciyaaraysay Apoel, ayaa waxa Ronaldo u suurtogashay inuu sii wado goolasha joogtada ah ee uu ka dhalinayo tartanka Yurub oo uu xili ciyaareedkan marayo goolkiisii 8aad muddo shan ciyaarood ah, waxaana uu yahay ciyaartoyga hoggaaminayo.

Inkasta oo horyaalka ay dhibaato ka haysato oo ay goolashii is naceen, haddana waxa u fasaxan horyaalka Yurub, waxaana uu ciyaartoygani hore ugu dhaliyey kooxdiisa 98 gool oo tartanka Champions League ah, kaas oo uu kusii daray laba gool oo kale oo u buuxiyey tirada 100.

98 ka mid ah 100-ka gool waxa uu ka dhaliyey tartanka Champions League isagoo xidhan shaadhka Real Madrid, labada kalena waxa uu ka dhaliyey tartanka UEFA Super Cup.

Goolashii uu ka dhaliyey APOEL, waxay u suurtogaliyeen inuu shan ciyaarood oo xidhiidh ah oo isku xigta goolal dhaliyo, waxaana rikoodhkaas kala siman oo kaliya Burak Yilmaz oo xili ciyaareedkii 2012/13 sidan oo kale sameeyey.

Dhinaca kale, Ronaldo waxa uu gaadhay rikoodh u yaallay Alessandro Del Piero kaas oo ah inuu awood u yeeshay inuu shanta ciyaarood ee ugu horreeya ee Champions League goolal dhaliyo, waxaana uu Del Piero sidan oo kale sameeyey xili ciyaareedkii 1995/96. Waxa kale oo rikoodhkan kala siman Sergei Rebrov oo sannadkii 1997 taariikhdan oo kale sameeyey.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Goolal iyo Caawin ayaan Kusoo Afjarayaa Dhalleecaynta’ – Benzema Oo Ballan-qaaday Bandhig Ciyaareed Fiican

Ciyaartoyga Sevilla Oo La Ogaaday Inay Badbaadinayeen Tababarahooda Oo La Ildaran Xanuunka Halista Ah Ee Kansarka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com