Cristiano Ronaldo Oo Goolkiisii Koowaad U Dhaliyay Juventus

Cristiano Ronaldo ayaa kulankiisii koowaad ee Juventus gool dhaliyay,ciyaar dhaqameed dhexmartay  kooxda koowaad iyo tan labaad ee Juventus.

Kabtanka Portugal ayaa sagaal xili ciyaareed kadib soo gabagabeeyay nolosha caasimada Spain ee Madrd,isagoo qeyb cusub oo taariikhdiisa kamid ah ka bilaabi doona Italian Serie A.

Jamaahiirta Bainconeri ayaa fursad u helay in ay maalintii koowaad gudaha garoonka ku arkaan Cristiano Ronaldo oo xiran maaliyada kooxda ku ciyaarta Alianz Stadium ee Old Lady.

Cristiano Ronaldo ayey 15 daqiiqo ku qaadatay kulankiisii koowaad ee Juventus in uu gooldhaliyo markii ugu horeysay isagoo xiran maaliyada kooxdiisa cusub Bianconeri.

Fasal Ciyaareedka Cusub horyaalka Italian Serie A ayaa todobaadka soo aadan furmi doona,waxaana Juventus kulanka koowaad ku bilaaban doonta kooxda Chievo.

Kulankii galabta dhexmaray kooxda koowaad iyo tan labaad ee Juventus ayaa ah kulan sanadle ah,waxaana laciyaarayaa tan sanadka markuu ahaa 155,Ronaldo ayaana nasiib u yeeshay in markiisi koowaad uu kulankaasi kala qeyb galo kooxdiisa cusub.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.