Cristiano Ronaldo Oo Ka Shaqaynaya Sidii Uu Marcelo Ugula Biiri Lahaa Juventus Wakhtiga Kooban Ee Ka Hadhay Suuqa Iibka

Cristiano Ronaldo ayaa isku dayaya inuu ka dhaadhiciyo saaxiibkiisii hore kooxda Real Madrid Marcelo inuu ka soo dhaqaao garoonka Santiago Bernabeu, si ay ugu midoobaan markale kooxda Juventus inta uu furan yahay suuqan xagaaga, sidaasi waxaa lagu sheegay wargeyska dalka Talyaaniga.

Wargeyska “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu sheegay in xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Marcelo ay si joogta ah u wadaagaan fariimo ku saabsan sida ay tahay nolosha magaalada Torino iyo guud ahaan dalka Talyaaniga.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Cristiano Ronaldo uu u sheegay Marcelo in jawiga qolka labiska kooxda Juventus uu yahay mid cajiib ah, isla markaana tayada Bianconeri ay tahay mid aad u wanaagsan si kaliya uu ugu qanciyo saaxiibkiis imaatinka Allianz Stadium.

Sida laga soo xigtay isla Wargeyska “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga Cristiano Ronaldo ayaa ku qanacsan in heshiiska Marcelo uu yahay mid la sameyn karo, isla markaana ay muhiim tahay in maamulka kooxda Juventus ay dalab rasmi ah u diraan dhigooda Real Madrid, si ay u helaan adeega laacibka reer Brazil

Bianconeri ayaa isku dayi doonta inay lasoo saxiixato difaaca garabka bidix ee xulka qaranka Brazil Marcelo, kadib warar sheegaya in Alex Sandro la filayo inuu ka tago Allianz Stadium, maadaama uu yabooh ka helayo kooxo dhowr ah.

Real Madrid ayaa wajaheysa dhibaatooyin xoogan suuqan xagaaga, maadaama ay haatanba kooxda ka dhaqaaqeen xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Mateo Kovačić, waxaana ilaa iyo haatan socda warar ku aadan in Luka Modric iyo Marcelo la filayo iyagana in ay ka dhaqaaqaan garoonka Santiago Bernabeu, sida laga soo xigtay wargeysyada caalamka.


 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.