11:43 pm - Thursday July 27, 2017

Cristiano Ronaldo oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Xiddiga Adduunka + Sawiradii Xafladda

Aidarous

Cristiano Ronaldo ayaa loogu cumaamaday laacibka kubbada cagta dunida ugu fiicnaa sanadkii tagay ee 2016, xaflad balaadhan oo ka dhacday xarunta Fifa ee magaalada Zurich.

Weeraryahanka naadiga Real Madrid iyo xulka Portugal ee Ronaldo, oo 31,sano jir ahi, wuxuu kaga guuleystay abaal marinta, laacibka Barcelona ee Lionel Messi iyo ciyaaryahanka naadiga Atletico Madrid – Antoine Griezmann.

Ronaldo oo sidoo kale bishii ina dhaaftay ee December la gudoon siiyey bilada Ballon d’Or , kuna mutaystay labada biladoodba, guushii Champions League ee Real Madrid iyo Euro 2016 ee xulka qarankiisa Portugal.

Carli Lloyd oo u ciyaarta qaranka Maraykanka, ayaa ku guuleysatay abaal marinta xiddigada dunida ee haweenka.

Tabobaraha naadiga Leicester City, Claudio Ranieri ayaa loo cumaamaday tabobarihii ugu fiicnaa dunida sanadkii dhamaaday, Halka Laacibka kooxda Penang ee Mohd Faiz Subri uu ku guuleystay abaal marinta Puskas award oo la siiyo laacibka dhaliya goolkii ugu fiicnaa sanadka.

Macalinkii ugu fiicnaa haweenka waxaa la siiyey, gabadhii hogaaminaysay xulka Germany ee ka fadhiisatay isla sanadka 2016, Silvia Neid, kadib 11 sanadood oo ay xilka soo haysay, markii koobaadna u qaaday bilada dahabka ah ee ciyaaraha Olympica aduunka.

Guusha ay ka gaadhay caasimada Brazil ee Rio, waxay kor u qaaday biladaha ay xulka u horseeday oo ay kamid yihiin, Koobka aduunka iyo laba jeer oo ay Koobka qaramada Yurub u qaaday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

FIFPro World XI: Kooxda Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Shaaciyey Iyo Ingiriiska Oo Laga Waayey

Isku Aadka FA Cup Oo La Shaaciyey, Wakhtiga La Ciyaarayo Iyo Siday Kooxuhu Isugu Beegmeen

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: