Cristiano Ronaldo Oo Sheegay In Xidiga Kooxda Liverpool Ee Mohamed Salah Uu Fursad U Heysto Inuu Ku Guuleysto Abaal Marinta Ballon d’Or.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah uu qeyb ka noqon doono liiska xidigaha musharaxiinta u ah ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or xili ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa wuxuu kusoo biiray kooxda Liverpool xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuuna kaga soo biiray dhigeeda reer Talyaani ee Roma, wuxuuna ku guuleestay inuu bixiyo xili ciyaareed cajiib ah, kadib markii uu dhaliyay 44 gool, xili sidoo kale uu caawiye ka noqday 16 gool kale kadib 52 kulan uu kaga soo muuqday maaliyada Reds, isagoo dhinaca kale loo caleemo saaray abaal marinta xidiga ugu goolasha badnaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Hadaba wareysi dhinacyo badan taabanaya uu ka hadlay Cristiano Ronaldo ayaa waxaa soo xigtay Wargeyska “Express” ee dalka England waxaana hadaladiisa ka mid ahaa: “Waa mid ka mid ah xidigaha ugu fiican kubadac cagta ee laga dhaxlay sanadkan”.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan rajeenayaa in dhaawacii kasoo gaaray finkakii Champions League ee magaalada Kiev uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin koobka aduunka 2018”.

Cristiano ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka kubada cagta ee kala dhexeeya Lionel Messi wuxuuna yiri: “Dad badan waxay ka hadlayaan dagaalka ka dhexeeya Ronaldo iyo Messi, laakiin waxaa jira ciyaartoy kale oo fursad u leh inay guuleystaan, Mohamed Salah ayaana qeyb ka ah”

Si kastaba xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa mudada 10-ka sano ee lasoo dhaafay soo joogteeyay in midkood kan kale uu kaga guuleysto abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or, iyagoo kala heysta min 5 jeer abaal marintan.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa wuxuu ka hadlay kulanka koobka aduunka 2018 ee xulalka Spain iyo Portugal wuxuuna yidhi: “Kulanka ay ku wada ciyaari doonaan kulanka ugu horeeya ee group-ka waa mid aad ugu adag labada dhinacba, waa kulan aan caadi ahayn, laakiin isku aadka ayaa sidaas noqday waana inaan soo dhaweynaa”.

“Inaad guuldareesato kulanka ugu horeeya ee groupka waxay saameyn ku yeelan doontaa heerkaaga tartanka oo dhan, sidaas daraadeed muhiim ayay inoo tahay inaan ku bilaawano heer wanaagsan, laakiin waxaan aaminsanahay in xulalka Portugal iyo Spain ay u gudbi doonaan wareega xiga”.

Cristiano Ronaldo  ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Inaan ku guuleysto Koobka Aduunka waxay noqon doonaa riyada Portugal, laakiin si aan u sameyno arintaas, waa inaan u ciyaarnaa qaabkii euro 2016 oo aan u ciyaarno sida hal koox oo kale”.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.