10:29 am - Sunday June 25, 2017

Croatia 4-0 Cameroon : Laba Kamid Ah Xidigaha Maroodiga Afrika Oo Marooradilaacii Gudohooda Dagaal Qadhaadhi Dhex Maray

Aidarous

Xulka qaranka Cameroon ayaa laga reebay koobka kubada cagta Dunida , kadib markii Croatia xallay kaga adkaatay 4-0 , ciyaartii labaad ee Group A .

Croatia ayaa waxa goolasha u kala dhaliyey Ivica Olic, Ivan Perisic iyo Mario Mandzukic oo laba gool ka dhaliyey, Cameroon oo xallay uu kaadhka casaanka ah ka qaatay Alexandre Song qaybtii hore ee ciyaarta , kadib markii uu suxul si ula kac ah dhabarka ugaga dhuftay ciyaaryahan Croatia ah oo aan kubad haysanin.

Markii ciyaartu dhamaanaysay , marooradilaacii, xidigaha Cameroon qaarkood ayuu dhex maray dagaal qadhaadhi, kuwaas oo kala ah, ciyaaryahanka difaaca ee Benoit Assou-Ekotto iyo laacibka afka hore ee Benjamin Moukandjo.

Xidiga difaaca ee Assou-Ekotto ayaa dagaal ula badheedhay weeraryahan Assou-Ekotto oo afka hore shaqadiisa ka gudanaya.

dagaalka Labada ciyaaryahan ayaa ahaa mid aan dhamaan ilaa garoonka ay ka baxeen, xiligaas oo uu dhex dhexaadin ka gallay ciyaaryahanka xallay ka maqnaa Cameroon ee Samuel Eto’o.article-2661968-1EE7BD1500000578-227_634x462 article-2661968-1EE7BF7700000578-702_634x362 article-2661968-1EE7BFB200000578-194_634x365 article-2661968-1EE7BFC200000578-250_634x373 article-2661968-1EE7BFDE00000578-121_634x358 article-2661968-1EE7C55E00000578-914_634x439

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Daawo : Taageerayaasha Chile Oo Xoog Ku Gallay Qaybta Saxaafada Ee Garoonka Maracana

Engaland ma ka badbaadi kartaa wadadii Spain?

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: