8:53 pm - Monday January 22, 2018

Cumaan: Carab Naftooda Ku Waayi Gadhay Ciyaar

337 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Cumaan: Carab Naftooda Ku Waayi Gadhay Ciyaar

Daraasiin qof oo u dhashay waddanka Cumaan ee Khaliijka Carabta ayaa dhaawacyo halis ahi gaadheen kaddib markii ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaar dhex martay labada dal ee UAE iyo Cumaan, taas oo koobka loogu caleemo saaray waddanka Cumaan oo markii ugu horreysay tartanka hanatay.

Ciyaartan oo ka tirsnayad tartanka dalalka Khaliijka ayaa waxa rikoodheyaal 5-4 ay guushu ku raacday waddanka Cumaan, hase yeeshee, garoonkii ayaa isku beddelay goob dhiiggu qulqulayo kaddib markii taageereyaal saqafka sare saarnaa ay damaashaadkii ciyaarta kasoo daateen halkii ay taagnaayeen oo ahayd dusha sare ee garoonka.

Lama sheegin dhimasho dhacday, hase yeeshee, sida ay ku warantay warbaahinta Arab Times, waxa dhakhtarka loo qaaday 30 qof oo taageerayey xulka qaranka Cumaan.

Gawaadhida gurmadka degdegga ayaa soo galay garoonka gudihiisa, waxaanay la yaaceen dadkii waxyeellada qabay ee garoonka dhex jiifay, kuwaas oo lagu daaweynayo cusbitaalka A&E.

Dadka waxyeelladu gaadhay maaha kuwii kasoo daatay dusha sare oo kaliya, hase yeeshee, waxa jiray kuwo kale oo isjiidhay wakhti ay u ordayeen dhinaca ciyaaryahannada xulkooda oo ay doonayeen inay la damaashaadaan.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Jaber Stadium ee waddanka Kuwait oo martigelinaya tartanka 23aaad ee dalalka Khaliijjka, ayaa wakhtigii caadiga ahaa waxay labada dal ku dhamaysteen 0-0, hase yeeshee rikoodheyaal ayaa ay Cumaan guushu ku raacday.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Firmino Oo Halis Ugu Jira In La Saaro Ganaax Culus

Liverpool Oo Ka Dalbatay Barcelona In Heshiiska Coutinho Uu Qayb Ka Noqdo Luis Suarez

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com