Cunsurigu Maaha Taageeraha Kubada Cagta

Dhaleecaynta loo jeedinayo taageerayaasha kooxda Chelsea ee ninka madow u diiday ama ka xaaraantinimeeyey inuu tareenka raaco ayaa iska soo daba dhacaysa, waxaana ugu dambeyn ku tilmaamay inaanay ahayn “Taageerayaasha kubada cagta” tababaraha kooxda QPR, Chris Ramsey.Tababaraha QPR Chris Ramsey 1
Ciidamada Booliska wadanka Ingiriiska ayaa baadhaya muuqaalkii laga duubay taageerayaashaas oo ay ku qaylinayaan weedho ay kamid ahaayeen “Waxaanu nahay cunsur, Cunsur ayaanu nahay waana taas sababta aanu sidan u samaynaynaa”.

Ramsey, oo ah tababaraha kaliya ee midabkiisu madawga yahay kana hawl galla horyaalka wadanka Ingiriiska ee the Premier League, ayaa yidhi: “Ma rumaysni in dadka noocan ahi ay yihiin taageerayaal kubada cagta ah.

“Waxaan xiisaynayaa inaan arko talaabada xukuumadu ka qaado dadkaas si loo cidhibtiro.”

Dhacdadan taageerayaasha Chelsea ku kaceen ayaa ka dhacday istaanka Tareenada Metro prior ee magaalada Paris ciyaartii Chelsea barbar dhaca 1-1 ka ah la gashay PSG taas oo uu muuqaalkeeda duubay nin lagu magacaabo Paul Nolan.Tababaraha QPR Chris Ramsey 2
Muuqaaladaas oo dunida kubada cagta ruxay ayaa la kulmaya marba marka ka dambeysa dhaleecayn.
Kooxda Chelsea ayaa sheegtay inay ka mamnuucayso shaqsiyaadka lagu hello inay ka dambeeyeen talaabadaas ciyaareheeda oo dhan, waxaa isna dhiniciisa in talaabo adag laga qaadayo oo baadhitaan xoogani ku socdo ku nuuxnuuxsaday raiisal wasaaraha England , David Cameroon.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

World Cup with 48 teams – Musharax Figo Oo Ku Ololeynaya Inuu 48 wadan Gaadhsiinayo Ka Qayb Galka Koobka Aduunka

Inter Milan Oo Goor Aan Goor Ahayn Goolkii Lagu Bareejeeyey Laga Dhaliyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com