10:12 am - Wednesday June 28, 2017

‘Cuntaan Rabnaa, e Kubad ma Doonayno’: Sawir Gacmeedyo Lagu Xoojinayo Mudahraadyada Brazil ka Socda

Aidarous
Farshaxan-ku-sameeyey-iridka-hore-ee-darbiga-dugsi-ku-yaala-magaalada-Sao-Paulo-ee-wadanka-Brazil-Farshaxanka-lagu-magacaabo-Paulo-Brazil-on-May-23-2014.-AFP-Photo-Nelson-Almeida
Farshaxan-ku-sameeyey-iridka-hore-ee-darbiga-dugsi-ku-yaala-magaalada-Sao-Paulo-ee-wadanka-Brazil-Farshaxanka-lagu-magacaabo-Paulo-Brazil-on-May-23-2014.-AFP-Photo-Nelson-Almeida

Iyadoo ay laba todobaad oo kali ahi inaga xigaan , bilowga ciyaarha koobka aduunka , dadka u ololaynaya in wadankan dhaqaalihiisu legdamayo ee Brazil dadkiisa xaaladuhu ku sii adkaan karaan oo aanay u babac dhigi karin, dhacdada koobka aduunka, aqoonyahanada sawirka farshaxanka ah ku xeesha dheer ee wadankaasi , waxay u bedeleen gidaarada magaalooyinka wadankaasi , mid bixinaysa muuqaalo lidi ku ah FIFA iyo qorsheheedaba.

Farshaxan kamid ah mudahraadyada '''Dooni Mayno Koob Aduun ' ee Brazil ka dhacayaDadka caanka ku ah sawirada gacanta ayaa ku sharaxay oo ku daboolay oogada Darbiyada ‘ Rio de Janerio iyo Sao Paolo , sawiro lagu diidan yahay xidhiidhka kubada cagta aduunka ee FIFA, iyo xukuumada wadankaasi , kuwaasoo ku eedaynaya inay iska indho tirtay baahida iyo heerka faqriga ee shacabka wadankaasi Brazil.

graffiti-7Dadkan mudahraadyada wada ayaa aaminsan in lacaga $11 billion ( kow iyo tobanka bilyan ee Dollar) ah ee ku baxaya diyaar garowga ciyaaraha koobka aduunku , ay ka fiicnaan lahayd iyadoo lagu bixiyo baahiyaha aas aasiga ah ee wadan kaasi oo aad u hooseeya , kuwaas oo ay kamid yihiin : – Caafimaadka , Waxbarashada iyo wadooyinka gaadiidku maraan.

graffiti-8In kasta oo shacabka reer Brazil lagu tiriyo dadka ugu kubada jecel caalamka , hadana dad lagu qiyaasay hal milyan oo qof ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay mudahraadyo ka dhigay magaalooyinka wadankaasi , kuwaas oo codsanayay in la joojiyo oo la kansalo marti gallinta koobka aduunka ee 2014.

graffiti-2Buuqa iyo isu soo baxyada shacabka Brazil ayaa soo kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa oo loo sii dhawaanayo maalintii uu furmi lahaa ciyaaruhu,  waxaanay xataa dadka gadoodsani gaadheen oo khalkhal ka abuureen xerada tababarku uga socdo xulka wadankaasi uga qayb gallaya koobka aduunka.

graffiti-6 graffiti-5 graffiti-4 graffiti-3 graffiti-1 graffiti-9

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Booqasho Ugu Tagay Xarunta Tababarka Ee Xulka Qaranka

Joseph Minala

Italian FA: Minala waa 17 jir ee maaha 42 jir

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: