1:35 pm - Wednesday June 28, 2017

Cunto Kariye Dunida Ka Yaabiyey Oo Xab-xab Si Farshaxan Ah Uga Sawiray Muuqaalka Ronaldo & Neymar

Aidarous
http://www.cadalool.com/?attachment_id=2028

Cadalool-(Jimce -May-9 ) –  Khabiir ku takhasusay cunto karinta madaxna u ah cunto kariye-yaal madbakh huteel Brazil ku yaala, ayaa soo bandhigay qorshe uu ku qurxinayo hanaan socodka ciyaaraha tartanka koobka aduunka ee sanadkan bisha 6aad ka qabsoomi doona wadanka Brazil.

Dabaakhan oo magaciisa la yidhaahdo Rogerio Holanda, ayaa soo bandhigay farshaxano heer sare ah oo xaga diyaarinta raashinka ah , taas oo uu ugu tallo gallay inuu kaga qayb gallo oo ku xiiso galliyo taageerayaasha isaga kala imanaya dacalada dunida .

Dabaakha oo ku guda jira xaradh ka samaynta Muuqaalada labada ciyaaryahan isagoo ku sugan Madbakha Hudheelka San Raphael

Dabaakha oo ku guda jira xaradh ka samaynta Muuqaalada labada ciyaaryahan isagoo ku sugan Madbakha Hudheelka San Raphael

Holanda ayaa laba xabo oo khurada xab-xab ka loo yaqaano ah, madiil ( sakiin) si aad u heersaraysa ugu qoray oo ugu xardhay sawirada laba ciyaaryahan oo uu aad u taageero , kuwaas oo kala ah Cristiano Ronaldo iyo Neymar.

DabaakhaKhabiirkan cunto karinta ee reer Brazil ayaa xab xab ka hal abuuray muuqaalka Ronald kuna qoray magaca ciyaaryahanka , number kiisa iyo astaan ama sumad “logo’ uu ka dhigay ‘CR7’ sida ay farshaxanaas muuqaalkeedu u quruxda badan yahayna aad moodo in lagu qaaday kamarad nooca sawirka nafiifta ah lagu qaado.

Dabaakha oo ku gudo jiraNinkan oo ka howl gala kijada hudheel lagu magacaabo San Raphael Hotel oo ku yaala magaalada Sao Paulo. ayaa sidoo kale Xab xab oo dhilay oo qorqoray ka sameeyey muuqaalka laacibka kale ee Reer Brazil , Neymar , sawirada iyo muuqaalada uu sameeyeyna waa kuwan:

Dabakha-oo-xardhaya-Muuqaalka-Neymar

Dabakha-oo-xardhaya-Muuqaalka-Neymar

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Masut Ozil

Xulka Garmalka Ee Koobka Aduunka Oo Lagu Dhawaaqay

Ronaldo, Pirlo Iyo Iniesta Oo Lagu Daray Ciyaaryahannada U Tartamaya Abaalmarinta Lugta Dahabka Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: