Video – Neymar oo Cidlo Kala Dabaal Deggay Goolkii Luis Suarez Ku Furay Ciyaartii Rayo Vallecano

Xidiga kooxda Barcelona ee Neymar ayaan kamid ahayn xulkii ka qayb gallay ciyaarta Rayo Vallecano, laakiin maqnaanshahaasi ma noqon mid ka hor istaagta inuu cidlo isagoo jooga dabaal deggo markii ay dhaliyeen goolkii koobaad kooxda Barcelona.

Laacibkan 23 jirka ah ee kabtanka u ah xulka qaranka Brazil, oo wakhti xaadirkan naadiga kaga maqan ganaax kadib markii uu La Ligaha sanadkan qaatay kaadhadh badan oo huruud ah, ayaa soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada Instagram muuqaal Video ah oo muujinaya isagoo si weyn ugu dabaal deggaya goolkii furitaanka ee uu Luis Suarez hogaanka ugu dhiibay Barca ciyaartii garoonka Nou Camp ay ku dhex karbaasheen Rayo Vallecano.
Neymar laftiisa ayaa xili ciyaareedkan qaab ciyaareed lala yaabay soo bandhigay, isagoo dhaliyey 26 gool 34 ciyaarood oo uu saftay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Carlton Cole: West Ham weeraryahankeeda oo lagu ganaaxay Fariin uu qoray

Xaaskii Hore Ee Ronaldo Oo Saygeeda Hore Ku Tilmaantay Nacas Aan La Aamini Karin, Dumarka Xaqira Oo Dhaqanka Carruurta Leh

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com