Daawo | Portugal Oo Dirqi Kaga Baxsatay Inay Ka Hadhaan K-Aduunka & Mashxaradii USA Oo Meesha Ka Baxday

Xulka qaranka Maraykanka ayaa ilaa daqiiqadii 94 ee ciyaarta guusha ka lahaa Cristiano Ronaldo iyo xulafadiisa ciyaartii xallay ku dhex martay garoonka Arena Amazonia. Laakiin daqiiqadii 95 aad ayaa noqotay tii qalbi jabka ku riday USA.

Portugal vs USA daqiiqadii badbaadadaKubad uu soo qaloociyey goolka hortiisana soo dhigay Ronaldo ayuu Madaxa ku qabtay shabaqana ku lulay Silvestre Varela minute kii u dambeeyey 5 tii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray , taas oo u horseeday Portugal inay ka sii mid ahaato xulalka ku hirdamaya koobka aduunka , ciyaartiina noqoto barbar dhac 2-2 ah, xulka U.S. oo isu diyaarinayay damaashaadka bixida wareega 16 kuna niyad jab weyni soo wajaho ciyaartii saqdii dhexe ee xallay ku dhex martay labada xul qaran magaalada Manaus,ee wadanka Brazil.

Jermaine Jones iyo Clint Dempsey ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta laba gool oo daran doori ah u dhaliyey USA, kuwaas oo meesha ka saaray goolkii uu daqiiqadii shanaad ee ciyaarta shabaqa dhigay Luis Nani kadib markii uu goolka hortiisa ka hellay kubad si khalad ah ay difaaca Maraykanku u soo celiyeen.

Ilbidhiqsiyo kaliya ayaa ugu hadhsanaa Maraykanka inay u dabaal dagaan oo u damaashaadaan 6 dhibcood oo ay ugu gudbayeen wareega is reebreebka tooska ah, isla markaana seconadaasi waxay ahaayeen kuwii horseedi lahaa in xidiga aduunka sanadkan ee Cristiano Ronaldo iyo asxaabtiisuba kaga soo xidh xidhan lahaayeen shandadahooda Brazil, laakiin nasiibka oo meesha ku jiray darteed , kubada uu wakhtigii siidhiga dhamaadka afka lagu hayay shabaqa ku ruxay Varela ayaa waxaas oo dhan waxba kama jiraan ka dhigtay, GROUP H ciyaarihiisii iyo rajooyinkoodiina ku xidhay kulanka saddexaad oo noqon doona kala baxida Rasmiga ah.

Group H , ayaa waxa min afar dhibcood leh , Germany iyo USA, waxaana min dhibic kula daba jira Ghana iyo Portugal, sidaasna u wada ciyaari doona maalinta Jimcaha ah.

Portugal 2 2 USA Portugal 2 2 USA  goolkii badbaadiyey Portugal 2 2 USA  Clint Dembsey

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Algeria Oo Kabaha La Dulmartay S.Korea Qarkana U Saaran Inay 16 Ka U Gudubto

Song Oo Saddex Kulan Oo Ganaax Ah Lagu Riday

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com