DAAWO: Xidhiidhka Kubbada Cagta Somaliland Iyo Wasaarada Dhaliyada & Ciyaaraha Oo Ka Jawaabay Eedayn Uga Timid Maayirka Burco Oo La Xidhiidhay Saamiga Tartanka Somaliland FA Cupka.

Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland iyo xidhiidhka kubadda cagta ayaa si wada jir ah uga jawaabay eedaymo uga yimid Duqa magaalada Burco, kaddib markii masuuliyiinta xidhiidhku hore u shaaciyeen in koox ka socotay Burco aanay ka qayb-geli doonin tartanka xidhiidhka ee naadiyada Somaliland oo bisha June 2018 markii ugu horaysay noociisa lagu qaban doono caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa hore u sheegay inay qabanayaan tartanka naadiyada waddanka oo ay ka qayb-geli doonaan 32 kooxood oo intooda badan ka imanaya kooxaha heerk kowaad iyo labaaad balse maayirka Burco ayaa si wayn uga cadhooday in kooxda dawlada hoose ee Burco aan tartankan lagu soo darin.

Laakiin masuuliyiinta arintan ka jawaabay ayaa Maajirka Burcu u cadeeyay in kooxda kubbada cagta dawlada hoose ee Burco ay tartankan ka qayb gali karto haddii uu soo dhiso koox dhamaystiran oo buuxinaysa shuruudaha looga baahan yahay kooxaha ka qayb galaya koobka tartanka xidhiidhka ee markii ugu horaysay laga qaban doono Somaliland.

Xidhiidhka ayaa wakhtigaas sheegay in koox ka iman lahayd magaalada Burco aanay u diyaar sanayn ka qayb-galka tartanka xidhiidha, sababo la xidhiidha maamulka magaalada oo aanay ka haysanin taageero, hase yeeshee, Mayorka magaalada Burco ayaa ku dhalliilay xidhiidhka iyo wasaaradda kuwo aan dhex ahayn.

Haddaba, Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda ciyaaraha iyo Xoghayaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ka jawaabay cabashada Duqa Burco.

Koobka FA- Cupka Somaliland oo ay labada sano ee soo socda maal galin doonto shirkada Isgaadhsiinta Telesom ayaa dhawaan markii ugu horaysay lagu dhawaaqay in la qaban doono laakiin saamiga kooxaha gobolada laga siiyay tartankan ayay maamulka dawlada hoose ee Burco sida fiinta ugu qayliyeen.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id:


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.