Dagaalka Ibrahimovic iyo Silva oo kor u qaaday Damaca Barcelona

Xiddigaha Paris Saint Germain ee Zlatan Ibrahimovic iyo Thiago Silva oo u soo wada ciyaaray kooxda Milan, kadibna si wada jira ugu biiray naadiga Paris, ayaa waxaa soo kala dhax galay mugdi, kadib muddo dheer oo ay saaxiibo ahaayeen.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in labada laacib xurguf xoogani soo kala dhax gashay, sababta ugu weyn ee Ibra iyo Silva isku dagaaleen waxaa lagu sheegay madaxa Lucas Moura oo si qaab daran kubad baas lahayd  u darbeeyay, kadibna canaan kulul kala kulmay Zlatan, laakiin Thiago ayaa difaacay xiddiga ay isku wadanka yihiin, iyadoo markaas kadib dagaal ka dhax qarxay labada laacib.

Isku dhacaan waxaa ka faa’iideysaneysa kooxda Barcelona oo mashaakil weyni ka heysto dhanka difaaca, iyadoo la soo sheegayo inaan Silva ku faraxsaneyn safka PSG, uuna doonayo in jawi kale uu galo.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Paris-Saint Germain Oo Ku Guulaysatay Koobka Koobabka Faransiiska ‘Coupe de la Ligue’

Mulkiilaha Kooxda Chelsea Roman Abramovich Oo kala doortay Diego Costa Iyo Edinson Cavani

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com