3:12 am - Sunday June 25, 2017

Dalka Brazil Oo walaac wayn ka muujiyey laba iyo toban magaalo oo lagu qabanayo K/ Adduunka

Khadar Dirir

Duqa Magaallada Rio De Janeiro ee Caasimadda Brazil Eduardo Paes ayaa shaaca ka qaaday in ay qalad ahayd in koobka Adduunka ay ku marti geliyaan ama lagu qabto 12 Magaalo oo ka tirsan dalkooda “Waxaan nahay dal weyn oo qaarad ah, qalad ayayna ahayd in aan magaalooyin badan u dooranno marti gelinta Koobka Adduunka, waxay ahayd in magaalooyin yar lagu qabto.” ayuu Duqa Magaallada Rio u sheegay Wakaaladda Wararka AP.

Hal toddobaad kaddib waxaa Koobka Adduunka uu ka furmi doonaa Brazil iyadoo qaar ka mid ah Garoommada ciyaarahaasi lagu qaban doono aan weli la dhameystirin, halka kuwo kalena aan la dhisinba weli halkii saxaafadda iyo xayaysiimaha shirkadaha lagu soo bandhigi lahaa.

Brazil ayaa Koobka Adduunka ku bixisay 11.5-Bilyan oo Dollar, iyadoo 4-Bilyan oo lacagtaasi ka mid ah lagu dayactirayo ama lagu dhisayo 12 Garoon oo Kubadda Cagta ah.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Xidhiidhka Kubadda cagta Asia Oo weerar afka ah ku Qaaday FIFA

Mulkiilaha Inter Milan Oo ka dhawaajiyey inuu heshiis la galay Bangi  si loo maal galiyo kooxda

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: