Dalka Qatar Oo Doonaya In Guardiola U Hoggaamiyo Koobka Adduunka 2022

Xidhiidhka kubadda cagta ee wadanka Qatar ayaa rajaynaya in ay heshiis la galaan tababaraha kooxda Bayyern Munich, Guardiola isla markaana uu u hoggaamiyo koobka adduunka ee sannadka 2022.

Wadanka Qatar oo marti gelin doono koobka adduunka sannadka 2022 ayaa doonaya in uu tababare Pep Guardiola ogolaado in uu saxeexo heshiis uu ku tababarayo xulka qaranka ee dalka Qatar, isla markaana uu dhiso koox awood badan oo farsamo ahaan iyo jidh ahaanba la loollami karta ciyaartooyada Yurub iyo Latin America.

pep guardiola oo arimo xasaasi ah ka hadlay

Qatar waxa ay dooneysaa in ay noqoto waddankii Carbeed ee ugu horreeyey taariikhda ee ku guuleysta koobka adduunka, iyadoo sidoo kalena noqotay wadankii ugu horreeyey ee dunida Carabta ah ee martigeliya koobka adduunka marka sannadka 2022 ay dunida kubadda Cagtu u dhaqaaqo bariga dhexe oo uu koobka Adduunku ka dhici doona wadanka Qatar.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona Oo Dagaal U Gelaysa In Ay Hesho Pogba ama Isco

Coutinho Oo Nooleeyey Rajadii Liverpool ee FA Cup-ka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com