Dalka Qatar oo soo ban-dhigay Garoon loo Eekeysiiyay Koofiyada dadka Carbeed iyo Islaamku ay Astaanta u leeyihiin + Sawirro

Iyada oo dalka Qatar ay ka socoto hawsha lagu dhisayo garoomadda dhawrka ah ee kubadda cagta kuwaas oo qaab casriyeysan loo wado, maadaama ay marti- gelinayaan koobka adduunka ee 2022.

Qaban-qaabiyaasha koobka adduunka ee dalka Carbeed ee Qatar ayaa soo ban-dhigay garoon indhaha caalamka soo jiitay, kaas oo marti-gelin doona kulamadda koobka adduunka ee 2022, waxaana wakhti xaadirkan ban-dhigtay garoonka Al Thumama kaaso ahaa garoonkii ugu dambeeyay oo naqshadiisa la soo ban-dhigay, wuxuuna qaadaya 40,000 oo taageerayaal ah.

Garoonkan cusub ayaa waxaa loo naq-shadeeyay sida Koofiyada Sunnada oo kale, taas oo ah shay dadka Carbeed iyo Islaamku ay astaan ahaan u leeyihiin, wuxuuna Al Thumama uu 4 mile u jirta Koonfurta caasimadda Doha, waxaana uu ka mid yahay 7 Garoon oo dhismo ku socdaan iyada oo garoonka Khalifa International ee ku yaala Doha la soo ban-dhigay bishii May ee sannadan.

 

Garoonkan Al Thumama Stadium ayaa loo qorsheeyay inuu marti-gelin doono kulamadda heerka Groupyadda koobka adduunka ee 2022, waxaa sidoo kale garoonkan lagu ciyaari doonaa kulamadda siddeed dhammaadka. Sidoo kale garoonkan waxaa diyaar ku noqon doona qalab Heer kulka hoos u dhiggi doona iyada oo aanu kuleylku dhaafi doonin 18 degree.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Real Madrid oo racfaan ka qaadanaysa Casaankii Ramos

Dani Alves: “Neymar wuxuu naga Caawinayaa ku Guuleysiga Champions League”

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com