Dani Alves Oo Ku Sii Jeeda Manchester United

Difaacyahanka reer Brazil ee baasha midig ee Dani Alves ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo kooxda Ingiriiska ah ee Manchester United.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror oo soo xiganaya ilo wareedyo uu ka helayo dalka Spain, laacibka Barcelona ee baasha midig ayuu tababare Louis Van Gaal aad u doonayaa in uu keeno Old Trafford.

Heshiiska uu Alves kula jiro Barcelona ayaa dhamaanaya bisha June, waxaanu markaas wixii ka dambeeya si xor ah ugu biiri karaa kooxda uu doonayo, iyadoo ay xiisaynayaan kooxo badan oo qaaradda Yurub ka dhisan oo ay ugu horreeyaan Arsenal, Chelsea iyo PSG.

Manchester United ayay dhibaato ka haysataa baasha midig, waxaana hadda uga ciyaara Antonio Valencia oo caadiyan ka ciyaara khadka dhexe, iyadoo uu Rafael oo booskaas ka ciyaari jiray uu doonayo in uu kooxda ka tago.

Manchester United oo sidoo kale dooneysa in ay heshiis la gasho Clyne oo 24 jir ah, ayaa waxa kula tartami doonta Dani Alves kooxda PSG oo ay u ciyaaraan inta badan difaacyahannada xulka Brazil kuwaas oo ay ugu horreeyaan David Luiz, Marquinhos, Thiago Silva iyo Maxwell.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Man City Oo Lacag Badan Ku Dooneysa Coutinho

Messi: Barcelona Jid Dheer Ayaa Ka Horreeya

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com