Dante: “Maqnaanshaha Mandzukic waxay niyad jab ku tahay xulka Croatia”

Difaaca kooxda Bayer Munich iyo xulka qaranka Brazil Dante ayaa rumeysan in Croatia dagaal xoogan u geli doonto weeraryahankii ay ku bedeli lahayd booska uu ka maqnaan doono xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mario Mandzukic kulanka ugu horeeya oo ay labadan xul fooda isku dari doonan Koobka Adduunka dhamaadka toddobaadka soo socda. 28-jirkan ayaa ganaax ku seegi doona kulankan adag oo dhowr maalin uun ay naga xigto in la baasto kadib markii uu qaatay kaadhka cas intii lagu guda jiray ciyaartii playoff-ka ay xulkiisa kaga soo baxayn Iceland bishii November ee sannadkii hore.

Balse Dante ayaa saaxiibadiisa xulka Selecao uga digay inay ka digtoonaadan dhibaatada kaga imaan karta Croatia xitaa haddii uu ganaax kaga maqan yahay weeraryahankooda Mandzukic “Waxaan qabaa in Croatia ay wax badan tabi doonto Mandzukic, waana wax adag in la buuxiyo booska ciyaaryahan sida isaga oo kale ah, waa dagaal yahan. Laakiin waa inaan ka taxadarnaa xitaa haddii aanu ciyaarayn.Ayuu yidhi Dante

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tababare Louis Van Gaal Oo Afar Xiddig bartilmaameedsan doonna K/Adduunka kadib

Xidhiidhka  FIFA oo sheegay in haddii laaluush bixin ku caddaato Qatar markale loo coddeyn doono Marti gelinta K/Adduunka 2022-kii

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com