Darbiga Garoonka Osasuna Oo Dumay & 68 Taageere Oo Dhaawacyo Soo Gaadheen

68 taageere ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen kadib markii uu la dumay fadhiga garoonka ee qaybta ka dambeysa goolka ee garoonka kooxda Osasuna , kulankii Xallay dhex marayay naadiyada Osasuna iyo Betis.

Kooxda Osasuna oo u baahnayd dhibic kaliya si ay u sii xejisato kasii mid ahaanshaha kooxaha heerka koowaad, ayaa la timid hal gool , markaas oo taageerayaasheeda fadhiyey dhinaca goolka ka dambeysa ee garoonku ay isla sara kaceen farxad iyo damaashaad , taas oo sababtay in qaybtaas oo dhami soo dunto laakiin aanay cid ku dhimatay jirin.

Hal qof ayaa la sheegay in xaaladiisu aad u daran tahay , kaas oo isagu ka soo duulay qaybta sare , isla markaana garoonka ku dhex dhacay oo la sheegay inuu xaalad miyir doorsoon ah gallay.

Ciyaarta ayaa la hakiyey mudo nusasaace ah , intii la kala gurayay dhaawaca ee loo daad guraynayay dhakhtarada kala duwan, waxaana dib loo bilaabay ciyaarta kadib saacad-badhkaas.

Qaybtii soo duntay mooyee , qaybtii kale ayaa laga rujiyey ( fujiyey) goobtii ay ka dhisnayd , waxaana ciyaartu sii socotay , iyadoo tarabuunkaas oo dhami meesha laga qaaday.

 

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Drogba Oo Ka Tagay Galatasaray

Luis Van Gaal

Tababarihii Ugu Horeeyey ee Ajanabi Ah ‘Van Gaal’ Oo Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Tababaraha Cusub Ee United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com