David Luiz Oo Si Mucjiso Leh Garoomada Ugu Soo Laabtay, Diyaarna U Ah Kulanka Barca

Difaaca birta ah ee kooxda PSG ee David Luiz ayaa si mucjiso lagu tilmaamay ugu soo laabtay garoomada, isla markaana magaciisa lagu arkay kooxda uu tababaraha PSG u xushay in ay Barcelona la ciyaaraan kulanka koowaad ee Champions League ee Khamiista ka dhacaya magaalada Paris.

Luiz oo ku dhaawacmay ciyaartii Marseille ayaa waxa ay dhakhaatiirtiisu sheegeen in uu u baahan yahay ugu yaraan muddo afar toddobaad ah in uu nasto, isla markaana uu qaato daawooyin bogsiiya muruqa oo uu ka dhaawacmay.

Thiago Motta oo isaguna ciyaartaas ku dhaawacmay ayaa la sheegay wakhtigaas in uu maqnaanayo toban maalmood, haddii ay labadan ciyaartoy saftaan kulanka Barcelona ay PSG ku martigelinayso magaalada Paris, waxay noqon doonaan cudud aan sahlanayn oo khalkhal gelin karta Barcelona.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Atletico Madrid Oo Aflagaadeysay Garsoorihii Dhexdhexaadiyey Kulankii Real Madrid

Ramos: Ogaan Umaan Dilin Mandzukic

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com