David Moyes Oo Ciyaaryahanada Man United Ku Sifeeyey “Haween Galaaftay Shaqadiisa”

Tababaraha shaqada laga eryey dhawaan ee naadiga Manchester United, ayaa ku eedeeyey ciyaaryahanada kooxda inay yihiin kuwo “haween”ah isla markaana sabab ay u ahaayeen in shaqada laga caydhiyo isaga.

Jariidada The Sun ee ka soo baxda wadanka Britain ayaa ka soo xigatay tababarahan bilaa camalka ah, isagoo leh weedhahan.”Waxaad kubada u ciyaartaan sida gabdhaha oo kale “si jilicsan’ waxaanad ku dedaalayseen in shaqada la iga eryo aniga.”

The Sun, oo faahfaahinaysa sababta ka keentay Moyes , aflagaadada intan leeg, ayaa tilmaantay in qaar kamid ah ciyaartowdiisu ay bixin jireen xogta kooxda , iyagoo siinaya saxaafada.

“Wakhtiyada qaar marka uu Moyes tababarka bixinayo , amaro uu wax ku saxayaana ka soo baxaan afkiisa , ee uu caawiyuhu u sheego ciyaaryahanada , waxay ku gunuunuci jireen – Naga leexo wejigaaga ma rabnee oo meesha isaga tag-“” Ayay qortay The Sun.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Beckenbauer oo si amakaag ah u fasiray guuldaradii Bayern ka soo gaadhay Madrid

Victor Moses: Waxaan Sii Ogaa In Liverpool Horyaalka Qaadayso

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com