David Villa Oo Dhaliyey Goolkii 1-aad ee Taariikhda kooxda New York City FC

David Villa ayaa gool ku furay ciyaartii koobaad ee uu u safto kooxda uu ku cusub yahay ee, New York City FC, oo ah iyada lafteedu naadi cusub oo imika uun la sameeyey, kulan kooxda Maraykanka ahi kaga adkaatay naadiga reer Scotland ee St. Mirren 2-0 ciyaar saaxiibtinimo oo labada kooxood ku dhex martay magaalada New York, goolkaas ayaa dhinaca kalena loo diwaan galliyey goolkii ugu horeeyey ee naadigaasi cusub ee horyaalka wadanka Maraykanka ee MLS uu dhaliyo.David Villa

Weeraryahanka reer Spain oo kooxdan kaga soo biiray dhinaca naadiga Atletico Madrid ayaa kubad aad u qurux badan oo uu lugta bidix ku dhaliyey ayaa noqday goolkii ugu horeeyey taariikhda ee kooxdan ka ciyaari doonta horyaalka wadanka USA ee Major Soccer League (MLS) dhaliso.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan dhaliyo goolkii ugu horeeyey taariikhda naadiga NYCFC. Shaqo fiican guud ahaan kooxdayda. Aynu halkaas ka sii wadno hawsha adag!” ayaa kamid ahayd fariin uu weeraryahanka hore ee xulka Spain ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakada bulshada ee Twitter.David-Villa- nycfc 1 1

Ciyaaryahankan lagu naanayso “El Guaje” ayaa ahaa laacibkii ugu qiimaha sareeyey ee ay xili ciyaareedkan iibsato New York City FC, oo sanadkan ka qayb galleysa horyaalka naadiyada Maraykanka ee MLS, iyadoo noqonaysa kooxdii ugu horeysay ee ka socota magaalada New York ee qayb galeysa horyaalkaasi.

Manchester City iyo New York Yankees ayaa ah labada kooxood ee wada leh naadigan cusub, kuwaas oo ciyaaraha martida loo yahay ku ciyaari doona garoonka Yankee Stadium, iyadoo kooxda New York Red Bulls ay sii wadi doonto inay ciyaaraha martida loo noqonayo ku ciyaarto garoon ku yaala gobolka New Jersey.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ivory Coast Oo Ciyaaryahanadii Xulka Mid Kasta Gurri Dhisan iyo Lacag Naqad Ah Ku Abaal Marinaysa

Wiil Uu Dhallay Ciyaaryahan Skrtel Oo Garoonka Anfield Dhex Qaaday Ciyaartii Tottenham

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com