David Villa Oo Si Rasmi Ah Ugu Wareegay New York City FC

Naadiga New York City FC ayaa daboolka ka qaaday in ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda xulka Spain ee David Villa uu noqonayo laacibkii ugu horeeyey ee ay heshiis rasmi ah la galaan.

Ciyaaryahankii hore ee kooxaha Valencia iyo Barcelona , ayaa ka dhaqaajiyey Atletico Madrid kadib hal xili ciyaareed oo qudh ah markii uu u ciyaaray , isagoo u dhaliyey 13 gool. Kuwaas oo ka caawiyey kooxdiisa inay hantido horyaalka Spain markii ugu horeysay tan iyo 1996 kii.

Weeraryahanka ayaa u ciyaarista New York City FC bilaabi doona bilowga ciyaareedka 2015 ka ee horyaalka MLS ee Maraykanka, oo naadiyada wadankaasi u bilaabanaya bisha March ee sanadkaas.

“Intii aan kubada cagta ku soo dhex jiray , waxaaan had iyo jeer ku dedaali jiray inaan naftayda ku cadaadiyo gaadhista bartilmaameedyo cusub, Tan maantuna waxay noqonaysaa Fursad kale oo u hirgashay noloshayda.”ayuu ku yidhi laacibkan 32 jirka ahi, shabakada khaaska ah ee kooxda NYC FC.

“Waxaan doonayaa inaan tijaabiyo  oo ka caawiyo horyaalka MLS inuu noqdo mid koboc sameeya. Intaan halkaas joogana , waxaan isku dayi doonaan inaan goolal badan ka dhaliyo isla markaana ka caawiyo kooxda New York City sidii ay u noqon lahayd naadiga ugu fiican horyaalkaasi.”

“Sharaf weyn bay ii tahay in maamulka kooxda ee daneeya horumarka naadigu , uu xooga saaro danaynta uu I danaynayay aniga.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Eto’o Oo Noqday Cadowga 1aad ee Mourinho, Mar Kalena Weeraray

Lampard Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Chelsea Ka Tagayo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com