11:32 pm - Sunday July 23, 2017

David Villa oo Tijaabaddii Caafimaad Maraya Ka Hor Intaanu Ku Biirin New York City FC

Aidarous

Laacibka kooxda kubada cagta Atelico Madrid ee David Villa ayaa tijaabadii caafimaad ku maraya magaalada Manchester ka hor inta aanu u wareegin dhinaca New York oo uu ku biirayo kooxda New York FC ee horyaalka MLS.

 

David Villa oo sii gallaya hospital ee Magaalada Manchester

David Villa oo sii gallaya hospital ee Magaalada Manchester

Weeraryahankan 32 jirka ah ayaa sawiro lagaga qaaday isagoo ku sugan cusbitaalka Bridgewater Hospital ee magaalada Manchester, halkaas oo uu tijaabada caafimaad ugu marayo isla markaana ku saxeexayo heshiiska kama dambeysta ah ee uu ugu wareegayo kooxda mataanaha la ah Manchester City ee ka ciyaarta horyaalka Maraykanka ee MLS.

Inta aanu u duulin dhinaca USA ee aanu ka qayb gallin ciyaaraha ay yeelanayso kooxda New York City FC oo xili ciyaareedkoodu bilaabanayo bisha March 2015 ka , Villa intaas wuxuu tababar la sii samayn doona laakiin aanu u safan doonin ciyaaraha caalamiga ah kooxda tababare Manuel Pallegrini.

David Villa ayaa u dhalliyey 13 gool kooxda Atletico Madrid xili ciyaareedkan dhamaaday oo uu u saftay 36 kulan,  waxaanu ku jiraa liiska xidigaha xulka Spain uga qayb gallaya koobka aduunka sanadkan ee uu soo xushay tababare Vicente del Bosque.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tababare Wenger Oo gacanta loo geliyay 100 Milyan oo uu ku soo iibsado ciyaartooy cusub 

Costa, Silva iyo Matta oo xulka Spain Lagu soo Daray Iyo Negredo & Navas Oo Laga Tagay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: