Da’yarka Real Madrid Ee Vinicius Jr Oo Arrin Layaab Leh Ku Sifeeyay Tababaraha Los Blancos

Vinicius Jr, ciyaaryahanka Los Blancos ayaa wuxuu ku tilmaamay maamulaha Real Madrid ee Julen Lopetegui “Professor”, kaasoo isaga iyo guud ahaan ciyaartoyda Madrid baraya kubadda cagta.

18-sano jirkaan ayaa wuxuu Real Madrid qayb kala yahay safarkeeda ay isugu diyaarineyso xili ciyaareedka cusub, isaga oo dheelay kulamo dhowr ah.

Wuxuu kulankiisii ugu horeeyay ka hor-tegay naadiga Juventus, kulankaasoo uu soo bandhigay muuqaal ciyaareed aad loola dhacay.

“Waxaan ahaa mid xasilooni ahaan aad u wacnaa [kulankii aan wajahanday Juventus], waxaana uu ahaa kulankeenii fiicnaa,” ayuu usheegay Real Madrid TV.

“Waxaan ahay mid is-horumarinaya maalinba maalinta kasii dambeysay, waxaana dareemayaa kalsooni badan.

“Farsama ahaan, iyo jir ahaan, fahan ahaan iyo wax walba waxaa uu yahay isaga professor na baraya kubadda cagta.

“Isaga waxa uu naga caawinayaa wax badan, marka waxaan ula qabsan doonaa kooxda, sida ugu dhow uguna macquulsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay da’yarka Real Madrid ee Vinicius Jr.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.