De Jong: Qof kastaa ma noqon karo Messi iyo Ronaldo

Nigel de Jong ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedkiisa , kuna dooday inaan qof kasta macquul ahayn inuu u ciyaaro si lamid ah sida ay u ciyaaraan xidigaha Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo.
29 jirkan kooxda Ac Milan ayaa isku tilmaamay inuu ka mid yahay xidigaha khadka dhexe ee ugu fiicnaa sanadahan u dambeeyey qaarada Yurub.

De Jong oo uu si weyn ugu baahay sawirii uu caloosha ka laadayay laacibka khadka dhexe ee reer Spain Xabi Alonso ciyaarihii koobka aduunka ee 2010 lagu qabtay wadanka Koonfur Afrika, ayaa ku nuux nuuxsaday inaan qof walbaa la qaab ciyaareed noqon Karin Messi Iyo Ronaldo.

Xidiga qaranka Netherland- oo kamid ah 23 ka ciyaaryahan ee uu sanadkan soo xushay tababare Louis van Gaal si ay u metelaan wadankaasi tartanka kooba aduunka ee sanadkan Brazil ka furmaya, ayaa wuxuu dhinac isaga leexiyey inuu u ciyaari karo sida ay u ciyaaraan Messi iyo Ronaldo, balse xusay inuu ku qanacsan yahay qaab ciyaareedkiisa u khaaska ah, kaas oo uu kaga daydo xidigihii hore ee Patrick Vieira, Roy Keane iyo Claude Makelele.
“Had iyo jeer waxaan isku taxalujiyaa inaan is dejiyo, markaan arko ciyaaryahano ku qaylinaya ciyaaryahanada kale si ay u dhiiri galliyaan , waxaan is idhaahdaa , may iska aamusaan. Waayo ma ahi qof aad u taageera hab dhaqanka noocaas ah. Is dejinta inta aanay dufaantu bilaabanin waa jidka ugu haboon. Kooxda kaa soo horjeedaa waa inay ka sii fikiraan nooca ciyaarta ay wajahi doonaan.’’

“Bal u fiirso ciyaaryahanadii ay kamidka ahaayeen Roy Keane, Claude Makelele, Patrick Vieira, Fernando Redondo: dhamaantood sidan ayay u dhaqmi jireen. Kaliya xaga ka horeysa uunbay eegi jireen marka la joogo tuunbada garoonka soo gasha. Kaas ayaa ah jidka ugu fiican uguna xooga badan.

“Markii aan joogay Ajax, waxaan ahaa mid aad u awood badan, laakiin taasi may noqonin mid aan sii wadi karo. Waan bedelay habkaas , maxaa yeelay khabiir baan noqday aan ka hellay horyaalada wadamada kale, khaas ahaan markaadan lahayn hibada Messi iyo Ronaldo oo kale, ma noqon kartid mid ciyaar cajiib ah soo bandhiga, marka waa inaad ciyaaryahan caadi ah uun ku dedaashaa inaad noqoto , waana sida aan yeelay.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xidhiidhka  FIFA oo sheegay in haddii laaluush bixin ku caddaato Qatar markale loo coddeyn doono Marti gelinta K/Adduunka 2022-kii

Diego Costa Wuu Shidi Doonaa Horyaalka Ingiriiska – Mata

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com