The Deadly Game: Ciyaartoy Geeriyooday Isagoo Halgamaya – VIDEO

Ciyaaryahan u dhashay wadanka Mexico ayaa dhintay isagoo garoonka ku jira, waxaana sida ay telefishinnadu baahiyeen la arkayey ciyaartoygan oo med ah hase yeeshee ay ciyaartu sii socoto.

Ciyaartoygan oo lagu magacaabi jiray Hijo del Perro Aguayo, ciyaarina jiray Musaaricada ayaa geeriyooday kadib markii uu cunaha (hunuriga) ku dhuftay xadhigga garoonka ku xidhan, kaas oo uu xattaa awoodi kari waayey in uu is-dhaqaajiyo.

Aguayo ayaa laad xoog badan waxa ku dhuftay Mysterio oo ay iska soo horjeedeen waxaanu ku dul dhacay xadhigga, kadibna dhaqaaqba waa laga waayey.

Mysterio ayaa laba lugood oo wada socda madaxa kaga dhuftay Aguayo isagoo jiifa, hase yeeshee wax dhaqaaq ah oo uu sameeyeyba may jirin.

Warar kale ayaa sheegaya in ciyaaryahan Aguayo aanu geeriyoonin isla markii ay wax ku dhaceen hase yeeshee uu miyir beelay, kadibna dhakhtarka la geeyey. Warku wuxuu intaa raaciyey in Aguayo uu 1 a.m ku geeriyooday Cisbitaalka.

Booliska ayaa sheegay in ay baadhitaan ku samaynayaan dhacdadan taas oo uu dembi-baadhe ka tirsan ciidamadu ku tilmaamay ciyaartii-Gawraca.

Aguayo ayaa bilaabay ciyaaraha Musaaricada isagoo ay da’diisu ahayd 15 jir, waxaanu ku guuleystay billado badan iyo koobab uu kooxdiisa u horseeday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Does CRISTIANO RONALDO Converts to Islam? – CR7 Miyuu Islaamay?

Hargeysa: Ciyaartooyo Jeelka Loo Taxaabay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com