Décima Found: Koobkii Champions Ee Laga Xaday Real Madrid Oo La helay

Champions Cup found

Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa soo bandhigtay koobkii Champions League ee ay sannadkii hore ku guuleystay magaalada Lisbon kaas oo laga waayey halkii uu yaallay horraantii bishan.

Shalay ayaa la arkay koobkii oo yaalla halkii loogu talo-galay kadib muddo uu maqnaa, waxaana daawasho ugu tagay taageereyaasha kooxdaas iyo warbaahinta oo sawiro ka soo qaadatay.

Sida uu qoray AS, koobabkan oo ah sawir loo ekeysiiyey Champions League isla markaana loo dhisay taallo yar oo la dul-dhigo oo ay ku qoran tahay magaaladii lagu qabtay koobkaas ay kooxdu ku guuleysatay iyo sannadkii ayaa waxa ay yaalaan garoonka tababarka ee Real Madrid ee Valbebebas, waxase ay arrini dhacday markii horraantii bishan la waayey koobkii ugu dambeeyey.

Wali kooxda iyo saxaafadda midna ma soo bandhigin halka uu tegay koobkaasi, hase yeeshee waxa caasimadda Madrid aad looga hadal hayaa halka uu ku maqnaa koobkaasi muddadaas.

FBL-EUR-C1-REALMADRID-ATLETICOMADRID-CELEBRATION

Koobka oo maqan

Koobka oo maqan

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Are Chelsea Fans Racist? Taagereyaasha Chelsea Oo Gacanta Saaray Nin Madow magaalada Paris – Video

Mourinho Oo Qiray In Kooxdiisa Awood Lagu Muquuniyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com