Cabsi Ka Jirta Magaalada Manchester Iyo Booliska Oo Digniino Soo Saaray

Booliska magaalada Manchester ayaa sheegay in laga cabsi qabo in qarax bamboo uu ka dhacay magaaladaasi, waxaana xidigaha Manchester, wali ay bku jireen hoteelka ay ka daganyihiin magaalada Manchester.

Manchester United

Kooxda Jose Mourinho ayaa caawa Old Trafford ku qaabili doonta naadiga Sevilla, kulan ka tirsan Champions League.

Booliska ayaa Maamulka Manchester United u sheegay in ciyaartooyda kooxda aysan ka soo bixin gudaha hoteelka Lowry ilaa xaaladu ay sidii hore ku soo laaban doonto.

Hoteelka Lowry ayaa albaabada la isugu dhuftay, waxaana la sheegay in qaraxa bamboo halis ah laga cabsi qabo, waloow boolisku faah-faahin aysan ka bixin wali arintaasi

Sevilla ayaa ka rajo wanaagsan kooxda martida ay u tahay, maadaama ay bar baro goolal la’aan ah ay kula soo gashay cariga Spain.

Wax Walba Oo Ku Soo Kordha Warkan Kala Soco Cadalool.com