DEG-DEG: Garth Southgate Oo Ku Dhaqaaqay Liiska 23-ka Xidig Ee Xulka Qarankiisa Uga Qayb Galaya Koobka Aduunka, Xidigo Waa Wayn Oo Iska Dhex Waayay Iyo Ciyaartoy La Abaal Mariyay.

Tababaraha xulka qaranka England ee Garth Southgate ayaa ugu danbayn ku dhawaaqay liiska rasmiga ah ee xulka qarankiisa uga qayb gali doona koobka aduunka ee bisha soo socota ka furmi doona Russia. Waxaana liiskan si layaableh boos uga helay labada ciyaartoy ee da’yarka ah ee Trent Alexander-Arnold iyo Ruben Loftus-Cheek.

Trent Alexander-Arnold oo 19 sano jir kaliya ah isla markaana xili ciyaareedkii ugu horeeyay ku soo qaaday kooxda kowaad ee Liverpool ayaa Garth Southgate ku qasbay in uu ku soo daro liiska kama danbaynta ah ee xiulka qarankiisa Three Lions kadib markii uu bandhig layaableh ka sameeyay kooxda Reds.

Waxa kale oo Garth Southgate soo jiitay wax qabadkii cajiibka ahaa ee uu da’yarka Chelsea ee Ruben Loftus-Cheek ka soo sameeyay kooxda uu amaahda ku joogay ee Crystal Palace wuxuuna qayb ka noqday ciyaartoyda koobka aduunka England uga qayb galaya.

Laakiin waxaa liiskan iska dhex waayay goolhayihii kowaad ee xulka qaranka England ee Joe Hart kaas oo gabi ahaanba liiskan laga reebay waxaana badalay goolhayaha Burnley ee Pope oo layaab soo dhigay xili ciyaareedkan waxaana liiskan kula jira  Butland iyo Pickford.

Waxa kale oo liiskan iska dhex waayay Jack Wilshere kaas oo uu booskiisa qaaday xidiga Man City shaqada wayn ka soo qabtay ee Fabian Delph waxaana liiskan khadka dhexe ugu jira Henderson, Dier, Alli, Lingard iyo Loftus-Cheek.

Adam Lallana ayaa liiskan seegay maadaama oo uu xili ciyaareedkan dhibaato badan oo dhaawac ku jiray waxaana sidoo kale liiskan ka maqan Chamberlain oo dhaawac waqti dheer ah ku maqnaan doona. Harry Kane, Rashford, Sterling, Vardy iyo Welbeck ayaa safafka weerarka three Lions hogaaminaya.

Liiska 23-ka Ciyaartoy Ee Xulka Qaranka England Uga Qayb Galaya Koobka Aduunka:

Goolhayayaasha: Jordan Pickford (Everton), Jack Butland (Stoke), Nick Pope (Burnley)

Difaaca: John Stones (Manchester City), Gary Cahill (Chelsea), Phil Jones (Manchester United), Harry Maguire (Leicester), Kyle Walker (Tottenham), Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Ashley Young (Manchester United), Danny Rose (Tottenham), Kieran Trippier (Tottenham)

Khadka Dhexe: Eric Dier (Tottenham), Jordan Henderson (Liverpool), Dele Alli (Tottenham), Ruben Loftus-Cheek (Chelsea), Jesse Lingard (Manchester United), Raheem Sterling (Manchester City), Fabian Delph (Manchester City)

Weerarka: Harry Kane (Tottenham), Jamie Vardy (Leicester), Danny Welbeck (Arsenal), Marcus Rashford (Manchester United

Kulamada Heerka Groupyada Ee Xulka Qaranka England Ay Koobka Aduunka Ka Ciyaari Doonaan:

vs Tunisia June 18 (Volgograd Arena)

vs Panama June 24 (Nizhny Novgorod Stadium)

vs Belgium June 28 (Kaliningrad Stadium)


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.