1:31 pm - Wednesday June 28, 2017

Mulkiilihii Manchester United – Malcolm Glazer Oo Dhintay

Aidarous

Malcolm Glazer oo ahaa Mulkiiliha kooxda kubada cagta Ingiriiska ee Manchester United ayaa dhintay isagoo da’diisu marayso 85 sanno Jir.

Ganacsadaha reer Maraykan ee Glazer oo sidoo kale iska lahaa dhawr kooxood oo ka dhisan wadana USA ayaa geeridiisa si rasmi ah loo shaaciyey mardhawayd , waxaana warka lagu baahiyey boga ay inter net ka ku leedahay kooxda Tampa Bay Buccaneersoo kamid ah kooxihii uu iska lahaa.

‘’ Tampa Bay Buccaneers waxay iyagoo ka murugaysan ku dhawaaqayaan geeridii ku timid mulkiileheedii iyo ahaana gudoomiyihii naadiga Malcolm Glazer oo subaxnimadii hore ee saaka ku dhintay isagoo jira 85 sanno.’’ Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed lagu baahiyey boga rasmiga ah ee kooxda Tampa Bay Buccaneers.

Glazer ayaa iibsaday kooxda Manchester United 2005 tii, mudadii uu mulkiyada naadiga gacanta ku haystayna , kooxdu waxay hanatay shan horyaal , hal Champions League iyo koobka naadiyada Dunida.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Chelsea oo awoodeeda isugu geysay Hellista Pogba

van der Vaart Oo Ka Hadhay Koobka Aduunka

Related posts
Trackbacks/Pingbacks
  1. Jaamacada Salford Oo Shahaado Sharafta Ugu Saraysa ee ‘ Doctorate” Gudoonsiisay Gary Neville | Cadalool - 19/07/2014

    […] difaaca uga ciyaari jiray Xulka England iyo kooxda Manchester United Gary Neville ayay Jaamacada Salford University gudoonsiisay shahaadada ugu sareysa ee doctorate-ka, […]

  2. Madrid iyo United Oo Qarka U Saaran Is Af-garad Heshiiska Di Maria Wararka Ciyaaraha | CadaloolCadalool - 12/07/2014

    […] Manchester United ayay inyari uga dhiman tahay inay soo gunaanado heshiiska Angel Di Maria ay kagala soo wareegayso […]

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: