Real Madrid Oo Ku Dhowaaqday Tababare Aan Laga Filaynin, Qofka Uu Yahay Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelanayo Xulka Qaranka Spain Ee Koobka Adduunka

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku dhowaaqday tababaraheeda cusub ee qaban doona booskii uu dhowaanta iska casilay Zinedine Zidane.

Real Madrid ayaa soo dhamaysatay laba toddobaad oo tababare  la’aan iyo warar badan oo xan ah, kuwaas oo abuurmay laba maalmood kaddib markii ay ku guuleysatay Koobka Champions League ee uu Zinedine Zidane sida lama filaanka ah ugu dhowaaqay inuu iska casilay shaqada.

Tababareyaal dhawr ah oo ay ku jiraan Jurgen Klopp oo Liverpool ah, Mauro Pochettino oo Tottenham ah iyo Arsene Wenger oo shaqo la’aan ahaa intii uu ka tegay Arsenal ayaa waxa dhamaantood aanay Real Madrid u leexanin.

Real Madrid ayaa waxay si rasmi ah ugu dhowaaqday inuu tababaraheeda cusub noqonayo macallinka xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui.

War-saxaafadeed ay mar dhowayd soo saartay Real Madrid ayaa ay ku xaqiijjisay in Lopetegui uu hoggaamin doono saddexda sannadood ee soo socda, xilkana uu si toos ah ula wareegi doono marka uu kasoo laabto Koobka Adduunka oo uu hoggaaminayo waddanka Spain.

Bayaanka kooban ee Real Madrid soo saartay ayaa waxa lagu yidhi: “Julen Lopeteugi ayaa noqon doona tababaraha cusub ee Real Madrid kaddib damaashaadka Koobka Adduunka 2018.

REAL Madrid C. F. waxay shaacinaysaa in Julen Lopetegui uu noqonayo tababaraha kooxda koowaad saddexda sannadood ee soo socda, waxaanu kooxda kusoo biiri doonaa kaqaybgalka xulka Spain ee Koobka Adduunka kaddib, kaddib laba sannadood oo uu hoggaaminayey xulka qaranka Spain.”

Magacaabista Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa waxa markiiba dareeno kala duwan ka bixiyey shacabka Spain, kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay u arkeen inay dhabarka ka jebinayso xulka qaranka oo intiisa badan kasoo kala jeeda labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona oo cadaawad weyn ka dhaxayso.

Xulashada ciyaartooyada marka uu bilaabmo Koobka Adduunka ayaa indho qudhaanjo lagu eegi doonaa, iyadoo si gaaar ah isha loogu hayn doono qaabka uu ugu xaqsooro xiddigaha Real Madrid ee uu sannadka dambe hoggaamin doono iyo kuwa Barcelona ee wixii hadda ka dambeeya ay colaaddu u bilaaban doonto.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka Real Madrid ay ugu dhowaaqday tababaraha cusub ayaa loo arkay inay ka fiicnayd inay dib ugu dhigto Koobka Adduunka kaddib, taas oo uga caafimaad badnaan lahayd xulka iyo wadajirkiisa.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.