Ryan Mason Oo Lagu Qasbay Inuu Kubadda Ka Fadhiisto Kaddib Jug Uu Madaxa Ka Gaadhsiiyey Gary Cahill

Ryan Mason ayaa kubadda cagta ka fadhiistay iyadoo da’diisu tahay 26 sannadood oo kaliya kaddib dhaawac ka gaadhay madaxa oo dhakhaatiirtu u waayeen xal rasmi ah.

Mason oo khadka dhexe uga ciyaari jiray Hull City ayaa 13 bilood ka hor uu difaaca Chelsea ee Gary Cahill uu madaxa hirdi kaga dhuftay wakhti ay ku dagaallamayeen kubbad sare oo dhex-taallay.

Mason ayaa si degdeg ah dhulka ugu dhacay, kaddibna loola cararay cusbitaalka, halkaas oo lagu ogaaday in laftu jabtay, waxaanu qaatay daaweyn sannad iyo dheeraad ah.

Ciyaartan oo dhacday 22 January, 2017, ayaa wiilkan u dhashay waddanka Ingiriiska, waxay soo afjartay xirfaddiisii soo baxaysay ee kubadda cagta, waxaanay ku koobtay daawashada iyo qabashada shaqooyinka fudud ee aanay kubaddu ka midka ahayn.

Dhakhaatiirta gacanta ku haysa caafimaadkiisa ayaa kula taliyey Mason inuu iska daayo ciyaaraha haddii kalena ay naftiisu halis gelayso.

Isaga oo ka duulaya talada dhakhaatiirta ayaa war uu soo saaray waxa uu Mason ku sheegay in uu ku khasbanaaday inuu ciyaaraha ka fadhiisto kaddib talooyinka dhakhaatiirta.

Mason oo sannadkii hore uu u dhashay cunuggiisii ugu horreeyey waxa uu yidhi: “Waxa aan shaacinayaa aniga oo ka duulaya talada khabiirka caafimaadka, in aan ka fadhiisanayo ciyaarista kubadda cagta.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku daray: “Si aan daal lahayn ayaan uga shaqeeyey sidii aan ugu soo laaban lahaa garoomada. Nasiib darro, markii aan qaatay talada dhakhaatiirta, ma haysto doorasho kale oo aan ahayn inaan ka fadhiisto ciyaaraha, sababtoo ah waxa imanaysa khatar uu sababay dhaawacaygu.”

Xirfaddiisa kubadda cagta waxa uu ka bilaabay Tottenham oo ay Hull City kaga sii qaadatay lacag dhan £13 milyan sannadkii 2016.

Xulka qaranka England waxa uu u saftay hal kulan, waxaana lagu daaweeyey cusbitaalka St Mary’s Hospital ee magaalada London halkaas qalliin madaxa lagaga sameeyey.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.