DEG DEG: Xiddigta Tennis-ka Ee Maria Sharapova Oo Laga Khafiifiyay Ganaaxii 2-da Sanno

shar

Gabadha xiddigta ah ee caanka ku ah ciyaarista ciyaaraha Tenis-ka ee Maria Sharapova ayaa laga khafiifiyay ganaaxii hore loogu riday ee ahaa 2-da sannadood.

29-sanno jirada reer Raashiya ayaa ganaaxeedii laga dhigay 15-bilood taas oo la micno ah inay dib ugu soo laabaneyso garoomada 26-ka April ee 2017, 6-bilood uun kadib wakhtiga aan imika joogno, kadib markii ay ku guuleysatay racfaan ay gudbisay.

shara

Gabadha 5-ta jeer ku guuleysatay Grand Slam ayaa ganaax kala kulantay xidhiidhka caalamiga ee ciyaaraha Tenis-ka, kadib markii laga helay maadada Meldonium ee ka mamnuuca ah ciyaartoyda bishii Janaury ee sannadan.

Maadadan fir-fircoonida galisa ciyaartoyda ayaa la mamnuucay isla 1-da bishii Janaury, taas oo keentay imika inay racfaan ka qaadato Maria Sharapova.