Dembele: Weeraryahanka Barcelona Oo 4 Garoomada Ka Maqnaan Doona

Weeraryahanka kooxda Barcelona, Ousmane Dembele ayaa afar bilood garoomada ka maqnaan doona kadib dhaawac muruqa bawdada ah oo soo gaadhay.

Ciyaaryahankan naadigu qiimihii ugu sareeyey ee ay laacib siistaan ku soo galay, kaas oo kaga soo wareegay dhinaca kooxda Borussia Dortmund heshiis qiimihiisu ku kacay £135.5m, ayaa ku dhex dhacay oo tahli waayay inuu socdo ciyaartii Sabtidii ay kooxdiisu kaga guuleysatay naadiga Getafe.

War-saxaafadeed Barcelona soo saartay ayaa lagu sheegay in 20 jirkan reer France, ay dilaacday seeda muruqa bawdada ee lugtiisa bidix.

Wuxuu warsaxaafadeedku intaas ku daray, in Dembele qaliin ku gali doono wadanka Finland todobaadkan gudihiisa.

“Waxaa la rajaynayaa inuu garoomada ka maqnaan doono inta u dhaxaysa – saddex iyo badh ilaa afar bilood,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Dembele ayaa safanayay ciyaartiisii u horeysay ee horyaalka lagu bilaabo safka hore, iyo guud ahaan kulankii Saddexaad ee uu Barcelona u ciyaaro.

Bedel ayuu ku soo galay kulankii horyaalka ee ay 5-0 ka kaga badiyeen kooxda Espanyol, waxaa kale oo lagu bilaabay kulankii Champions League ay 3-0 ka kaga adkaadeen Juventus Salaasadii, waxaanu kaga baxay daqiiqadii 29 aad ciyaartan uu ku dhaawacmay ee Getafe.

Dembele wuxuu seegi doonaa, labada ciyaarood ee ugu dambeeya xulkiisa France ciyaaraha isreeb reebka koobka aduunka ee ay kaga hortagayaan xulalka Bulgaria iyo Belarus bisha October.

Leave a Reply

Your email address will not be published.