10:26 am - Sunday June 25, 2017

Dhaawaca Taageereyaasha Ciyaartii Xalay Oo Caddeeyey In Rabshaduhu Aanay Ku Koobnayn Somaliland

Abdiwahab Ahmed

england1

Dhiigga ayaa qulqulay markii ay rabshado iyo gacan ka hadal uu dhex maray taageereyaasha labada xul qaran ee England iyo Scotland oo ka wada tirsan boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo isku haleelay ciyaar qaramadoodu ugu tartamayeen ka qayb-galka Koobka Adduunka ee 2018.

Taageereyaal badan ayaa garoonka dibeddiisa jiifay iyagoo madaxa iyo wejiga dhaawacyo waaweyni ka gaadheen, kaddib markii ay si toos ah isaga hor yimaaddeen iyagoo ku hubaysan budhadh.

Mid ka mid ah taageereyaasha xulka England, ayaa si xun loo garaacay, waxaana muuqaalladiisa lagu baahiyey warbaahinta ciyaaraha ee dunida, taas oo muujisay in labadan waddan oo ka wada tirsan boqortooyada Britain ay ka dhexayso xamaasad badan.

Ciyaartan oo Ingiriisku ku badiyey 3-0, ayaa waxay reer Scotland muujiyeen in aanay ogolayn in dhayal lagaga badiyo, gadood ay taageereyaashu sameeyeenna, waxa ka dhashay cambaarayn gacan-ka hadalku sababay.

Rabshaddan ayaa waxay markhaati ka tahay in mashaakilaadka taageereyaasha ciyaaraha ee ka toddobaadkii hore ka dhacay Hargeysa Stadium aannay ku koobnayn Somaliland oo kaliya, balse dunida oo dhan ay ka dhacaan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
payet_damaashaadkiisii

Pogba Iyo Payet Oo Guul Ku Xusay Sanad Guurada Weeraradii Paris

Robert Lewandowski

Ciyaartoy Isagoo Nool Dab La Qabadsiiyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: