Dhakhtarkii Xulka England Oo Ku Dhaawacmay Damaashaadkii Goolka Daniel Sturrigde

Xulka England ayaa xooga saarayay inay iska soo badaan goolkii lagaga hor maray , laba daqiiqo kadibna hamigaas wey hirgaliyeen , oo waxaa gool qurux badan u dhaliyey Daniel Sturrigde oo ku qabtay shabaqa kubad uu soo jabiyey Weyne Rooney.
Laakiin damaashaadkii goolkaas ee ay isla kaceen dhamaan taageerayaasha England , oo ay ugu horeeyeen dhakhaatiirtii xulka la socotay ee garoonka hareertiisa taagnayd , waxaa dhaawac culusi ka soo gaadhay bood boodkiisii uun , dhakhtar Gary Lewin.
Garoonka ayaa lagaga saaray bareelaha lagu qaado ciyaaryahanka dhaawacma , waxaanay idaacada BBC-du xaqiijisay in Dr Lewin kuraantu kala booday.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Costa Rica Oo Ku Tumatay Uruguay

Italy Oo Karbaashtay England Ciyaartii Aadka Loo Sugayay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com