Dhaxal Sugaha Boqortooyada Ingiriiska Oo Ku Dhex Sirkhaamay Garoon Uu Ciyaar Ku Daawanayay

Wiilka sugaya dhaxalka boqortooyada Ingiriiska ee William iyo xaaskiisa ayaa u baxay daawashada ciyaar Rugby ah oo ka dhacaysay Garoonka Alianz Magaalada Sydney ee wadanka Australia habeenkii Xallay.

Lamaanahan ka tirsan qoyska reer boqor ayaa ka qayb gallay daawashada ciyaar Rugby ah oo dhex maraysay labada kooxood ee naadiga Koonfurta Wales ka dhisan ee Waratahs iyo kooxda Reer Koonfur Afrika ee Nothern Bulls.

Ka hor intaanay u anba bixin dhinaca garoonka Alianz , Dhaxal suge William iyo ooridiisa Kate ayaa booqday saldhiga ciidamada Ingiriiska ee RAAF oo ku yaala degmada Amberley una dhow magaalada Brisbane ee gobolka Queensland wadanka Australia.

William, oo 31 jir ah, ayna dhashay Diana oo shil baabuur ku geeriyootay August 31, 1997, iyadoo markaas ku sugnayd wadanka France , ayaa la arkayay isagoo cabaya khamri isla markaana sirkhaansan oo ay ag fadhido xaaskiisa Kate oo iyana 31 jir ahi.

Dunida aan Muslimka ahayn , ayaan ceeb u arag cabitaanka Khamriga oo inaga Ilaahay Inaga Xarimay , waana dhaqan xumada iyo foolxumada uu leeyahay cabidiisa ee Miyirdoorsoonka ku dambeysa.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xulka Carruurta Chelsea Oo Amakaag Ku Riday Xidigaha Waaweyn Ee The Blues.!!

Milan Oo God Madow Ku Sii Riday Rajadii Livorno

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com