Didier Drogba Oo looga gacan haadinayo Talyaaniga!

Halyeygii hore ee naadiga Chelsea Didier Drogba ee imika u safta naadiga Galatasaray ee dalka Turkiga ayaa lagu waramayaa inuu doonayo inuu ka soo tago turkiga isla markaana meelo kale tijaabiyo.

Jariiradda La Gazzetta dello Sport ee ka soo baxda dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in naadiga AS Roma ay bilowday inay la xidhiidho Didier drogba iyo wakiilkiisa iyadoo la filayo inay dib u soo cusbooneysiiso wada hadalada labada dhinac marka uu dhamaado xagaaga.

Naadiga Roma ayaa dib ugu soo laaban doonta xagaaga soo socda ka qeyb galka tartanka Champion League iyadoo u baahan weeraryahan khibrad u leh kooban waxayna u gaadhsaneysaa Didier Drogba.Drogba oo isagu Champion League kula guuleystay Chelsea ayaa sababsaday gacanta naadigiisii hore oo iyadu ka reebtay naadigiisa Galatasaray tartanka Champion League kaddib wareega 16-ka ay isku qabteen.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Filed in

Kooxda Tottenham Hotspur Oo dooneysa Weeraryahanka Man. United Danny Welbeck

Tababare Wenger Oo caddeeyey Inuu Wilshere Diyaar u Yahay inuu Qarankiisa u matelo Koobka Adduunka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com