3:03 pm - Tuesday August 23, 8985

Diego Costa Oo Cudur Dameer Ka Gallay Faras Looga Gubayo

Aidarous

Gudoomiyaha naadiga Atletico Madrid, Enrique Cerezo ayaa tilmaamay in safashada Weeraryahanka Diego Costa ee kulanka finelka Champions League maalinta Sabtida ah ay ku xidhan tahay , sida uu ugu ladnaado dawada laga farsameeyey mandheerta Faraska ee dhakhaatiirtu ku talliyeen inay deg-deg , wax uga tarayso caafimaadka 25 jirkan reer Spain.

Cerezo wuxuu ku celceliyey in haddii natiijo laga waago dawadaas aanay marna halis ama khamaar gallin Karin caafimaadka weeraryahankooda Costa.

Weeraryahanka qaranka Spain Diego Costa ayaa dhaawac muruqa ah looga saaray kulankii Barcelona ee kooxdiisa lagu gudoonsiiyey horyaalka Spain xilli ciyaareedkan

“Dawada mandheerta faraska ah ee uu qaatay sida ay ula falgasho jidhkiisa , caafimaadkiisana wax uga bedesho ayay ku xidhnaan doontaa inuu ciyaaraana” ayuu yidhi gudoomiye Cerezo.

“Anigu dakhtar ma ahi oo ma garanayo siday wax ugu tari doonto iyo inay waxyeelo hor leh u horseedi doontaba, haddiise aanay waxba u tarin, waxa u fiican inaanu ciyaarin ciyaartaas, waxaanan rajaynayaa haddii uu ka baaqdo, in ciyaaryahan kasta oo booskiisa buuxiyaa uu si fiican u meteli doono.

“Waxaan isu diyaarin doonaa sidii aanu u guulaysan lahayn, markaan ka fikirno garoonka ciyaartu ka dhacayso, guuldaro iyo guulba waan ka filan karnaa, Kooxduna maskax ahaan iyo jidh ahaanba waa diyaar.’

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Ruud Gullit: Waan Sugi La’ahay Van Gaal Iyo Saxaafada Ingiriiska Dagaalka Dhex Mari Doona

“Koob aduunkani wuxuu noqon doonaa kii iigu dambeeyey: Ribery

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: