6:37 pm - Monday August 21, 2017

Diego Costa Oo Ilmadu Joogsan Weyday Markii Loo Sheegay Inuu Final-ka Champion ka Seegi Doono

Aidarous

Diego Costa ayaa ciyaarta laga saaray kadib markii uu sii wadi kari waayay dhaawac muruqa seeda bawdada ah darted , ciyaartii Atletico Madrid barbaraha 1-1 ka ah la  gashay Barcelona , una suurto gallisay naadiga Diego Simone inay hantiyaan horyaalka wadanka Spain ee La Ligaha.

Diego CostaWeeraryahanka 25 jirka ah , in kastoo dhaawaciisu horeeyey, hadana waxaa lagu bilaabay ciyaarta , laakiin 15 daqiiqo oo kaliya markii uu ku jiray garoonka Camp Nou, ayaa kooxda caafimaadku go’aamisay in dibada la soo dhigo , waxaana bedelkiisa ciyaarta gallay Adrian Lopez.

Diego Costa Injured Diego Cos War naxdin ku ah taageerayaasha iyo guud ahaan naadiga ayaa la baahiyey wax yar kadib markii ay dhamaatay ciyaartu , kaasi oo ah in Costa uu ka maqnaan doono ciyaarta Finalka horyaalka Champions League ee Atletico Madrid la leedahay kooxda ficiltanka weyni ka dhaxeeyo ee Real Madrid todoba cisho kadib.

Diego Costa ooXidigan dhawaan uun lagu daray xulka qaranka Spain ee u ambabaxaya wadanka Brazil , si ay uga qayb gallaan koobka aduunka , ayaa markale wajahi doona xaalad adag oo mustaqbalkiisa mugdi gallin karta , waa haddii warka ka soo baxa baadhitaanka lagu samaynayo, lagu xaqiijiyo in xulka laftiisa dhaawacani ka gaalafan doono.Diego Costa iyo tababare Simeone

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wenger Oo Shaaciyey Inaanu Arsenal Ka Tagayn Kadib Guushii FA Cup Ee Soo Afjartay Sagaal Sanno Oo Koob La’aan Ah

Naadi Kubada Cagta Ah oo Madaxweyne Wadan Heshiis Kula Gallay inuu Khadka Dhexe Uga Ciyaaro

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: